Puntland oo ballan-qaad u samaysay reer Guuraaga

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo ka hadlayay xaaladda abaaraha iyo marxaladda ay ku suganyihiin reer guuraaga ayaa sheegay inay qorshaynayaan sidii loo caawin lahaa dadka u hayaamay meelaha fog ee doonaya inay ku laabtaan deegaanadooda.

Cabdixakiim Cumar Camay, ayaa maanta saxaafadda kula hadlayay Garowe, ayaa sheegay in xukuumadda Puntland wado qorshe lagu caawinayo dadkaas maadama ay bilowday xilli roobaadka Gu'ga sidaasna keentay in dad badan ku noqdaan deegaanadooda.

Camay, ayaa xusay inay la hadleen hay'ado kala duwan islamarkaana qaybtood ballan qaadeen inay bixinayaan shidaalka.

Guddiyada abaaraha iyo culimada ayuu dhankooda ugu baaqay inay gacan ka siiyaan dowladda sidii dadkaas loogu celin lahaa goobihii ay kasoo hayaameen markii hore.

Dadka soo noqonaya ee ku sugan gobollada Bari, Karkaar iyo Nugal ayuu faray inay lasoo xariiraan maamullada ka jira gobolladaas iyo ciddii kale ee ka tirsan dowladda si loogu fududeeyo safarkooda.

Madaxweynaha ayaa sheegay inaysan jirin cid la khasbayo maadama sida uu hadalka u dhigay ay jiraan dad badan oo kasoo safray deegaanada Somalida qaybtood.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii muddooyinkii dambe ay jireen socdaal ay wadaan reer guuraagii kasoo laabtay miyiga fog ee gobolka Bari kuwaasoo ku laabanayay meelihii ay markii hore kasoo noqdeen.

Dadka ayaa xilligan awoodi karin inay iska bixiyaan kharashaadka safarka maadama ay muddo la daalaa dhacayeen rafaadka abaarta oo wali ka taagan dhulka Somalida.

GAROWEONLINE


Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM