Puntland oo beenisay hadal kasoo yeeray Dowladda federaalka Soomaaliya

Image
Wasiir C/wahaab ayaa sheegay in Puntland mowqifkeeda uu yahay mid aan waxba iska bedelin.

GAROWE, Puntland - Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Puntland Maxamed C/wahaab, ayaa beeniyay hadalka ka soo yeeray Xasan Maclin oo ahaa in Puntland ogolaatay wadashaqeynta Villa Somalia.

Wuxuuna ku tilmaamay hadalkan mid been abuur ah. Wasiir C/wahaab ayaa sheegay in Puntland mowqifkeeda uu yahay mid aan waxba iska bedelin, wuxuuna muujiyay inay diyaar u yihiin wada hadal.

Dhanka kale, Puntland oo leh xeebta ugu dheer ee Soomaaliya ayaa ku howlan qorshe ballaaran oo lagu kor loogu qaadayo barashada ka faa'iidaysiga iyo maamulka khayraadka badda ku duugan.

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland,  Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa,  ayaa sheegay in iyagoo kaashanaya Jaamacadaha gudaha ay kordhin doonaan kulliyadaha lagu barto cilmiga badda si bulshada loogu jiheeyo maamulka iyo ka Faa'iidaysiga khayraadka badda.

Geesta kale,Garoowe waxaa maanta lagu dhaariyey guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee gobolka Nugaal, guddoomiyayaasha iyo guddiga doorashooyinka ee degmooyinka Garoowe, Dangorayo iyo Godobjiraan oo dhowaan doorashooyin qof iyo cod ah laga qaban doono.

Mas'uuliyiinta guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC ayaa xubnaha la dhaariyey ku booriyey inay si daacad iyo xilkasnimo ah uga soo baxaan waajibaadka loo igmaday oo ah hoggaaminta doorashada golayaasha deegaanka ee qabsoomi doonta 23 July 2024.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM