Puntland oo beenisay hadalkii Goodax Barre, kana dalbatay caddeymo

Image

GAROWE, Puntland - Wasaaradda Waxbarashadda Puntland ayaa gaashaanka ku dhuftay hadaladii kasoo yeeray Wasiirka Tacliinta xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Cabdullaahi Goodax Barre, wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, ayaa Jowhar ka shaaciyey in uu fashilmay Imtixaanaadka Shahaadiga Puntland, kaasi oo bilowday maalintii Sabtida.

Wasiirka Waxbarashada Puntland, Cabdullaahi Maxamed Xassan, ayaa ku tilmaamay hadalada Goodax Barre, "mid isaga ku kooban," wuxuuna ka dalbaday caddeymo.

"Sidda midka fashilmay ee Federaalka dibada ugu timid, waxaanu ka dooneynaa in uu caddeynta noo keeno wasiirka," ayuu Mr Xasan u sheegay Idaacada maxaliga ah ee Daljir.

Imtixaanaadka Shahaadiga Puntland oo sanadkaan ay u fadhiisteen ku dhowaad 16-kun arday ayaa waxaa lagu qaadayaa in ka badan 100 goobood oo ay dowladdu ilaalineyso.

"Hadii uu caddeynta keeni waayo, waxay ka dhigan tahay xumaan uu u qabo Puntland iyo ardaydeeda," ayuu Wasiir Cabdullaahi daba dhigay hadalkiisa.

Wasaaradaha Waxbarashada Puntland iyo Federaalka ayaa horaantii sanadkaan waxaa soo kala dhex-galay muran ku aadan maamulka Imtixanaaadka, taasi oo saameysay xiriirka ka dhaxeeya.

"Haatan wax [cilaaqaad ah] oo aan la leenahay wasaarada waxbarashada federaalka ma jirto, hadalkaana waa mid aan waxbo ka jirin, caddeynteedana Goodax Barre baa laga doonayaa," ayuu xusay.

Ugu dambeyntii, wasiir Cabdullaahi oo rajo ka muujiyay in Imtixaanaadka Puntland ay kusoo gabagaboobaan si wanagasan ayaa ardayda ku booriyay in ay nidaamka ilaaliyaan.

"Maalintii koowaad Imtixaanaadka si sharaf leh ayay kusoo dhamaaday, waxaana rajeynayaa in inta harsan uu sidaasi si lamida ku qabsoomo," ayuu hadalkiisa kusoo xiray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Ingiriiska oo kawada hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya.

  • Puntland

    04-05-2024

  • 11:43AM

Dhimasho ka dhalatay dagaal ka dhex-dhacay xabsiga dhexe ee Gaalkacyo

Dowladda iyo maamulka Gobalka mudug ayaan wali ka hadlin waxa ka dhacay jeelka.

  • Puntland

    02-05-2024

  • 11:22AM