Puntland oo beenisay in DF lacag ugu deeqday dhismaha Jidka Ceeldaahir-Ceerigaabo

Image

GAROWE, Puntland - Dowladda Puntland ayaa beenisay war kasoo baxay Xukuumadda Soomaaliya, oo ahaa inay lacag ugu deeqday mashruuca dhisamaha jidka isku xira Ceel-Daahir iyo Ceerigaabo.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Puntland maalintii Shalay, ayaa lagu sheegay in warka kasoo baxay Villa Somalia ee ah inay $1500,000 [Hal Milyan iyo Shan boqol oo Kun oo Dollar] ugu deeqday mashruucan uu yahay "libin sheegasho been ah".

Madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa 22-kii bishan warqad uu u diray Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle uga dalbaday in $1500,000 oo ah qeybta Puntland uga soo aaday deeq dibadda ka timid ku wareejiso gudiga dhismaha wadada.

Qoraalka Madaxtooyadda Puntland ayaa muujinaya in dowladda Federaalka aysan fulin dalabka Gaas, kaasoo kusoo beegmaya xilli khilaaf siyaasadeed oo xooggan uu kala dhaxeeyo Villa Somalia.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM