Puntland oo beenisay in dhalinyaradeeda ku biiraan Daacish [Dhagayso]

Image

10 September, 2015(GO)-Dowlada Puntland ayaa beenisay warar laga baahiyay warbaahinta Somalida qaarkeed kuwaas oo sheegayay in dhalinyaro ka soo jeeda Puntland loo qaaday dalka Yemen si ay uga mid noqdaa ururka Daacish.

Waalidiinta ayuu sheegay inay ku fashilmeen ilaalinta caruurtooda, balse waxa uu qirey in doon ka baxday Puntland ay qaaday tiro yar oo dad ah.

Ciidamada amniga Puntland ayuu Soocade sheegay inay tageen goobta la sheegay in wax laga tahriibiyo isla markaana ku daba jiraan qaar ka mid ah dadkii doonidaasi waday oo u baxsaday dhanka barriga.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocade oo la hadlayay BBC-da waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay in Puntland laga tahriibiyo dhalinyaro.

Soocade oo wax laga weydiiyay dhalinyaro dooni ka raacay xeebaha gobolka Bari oo u amba baxday dalka Yemen ayuu sheegay inay tahriib u socotay balse aysan qorshohoodu ahayn inay u dagaalamaan Daacish isla markaana ku biiraan.

Puntland ayuu ku sheegay inay tahay halka Somalia ugu adag in laga tahriibo dhalinyarada.

Hadalkan aya imaanaya xilli shalay qaar ka mid ah walidiinta caruurtoodu maqantahay sheegeen in loo qaaday Yemen si looga dhigo Askar u dagaallanta xoogaga mintidiinta ah ee ka dagaalama dalkaasi Yemen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM