​Puntland oo beenisay in Qandal gacantooda kusoo noqotay

Image

BOSASO, Puntland- Taliyaha ciidamada Puntland Admiral Cabdirisaaq Diiriye, ayaa beeniyay inay gudaha u galeen degmada Qandala ee gobolka Bari.

Cabdirasaaq oo goor-dhoweyd la hadlayay laanta Afka Somaliga ee VOA, ayaa sheegay inay kaabiga ku hayaan degmada, balse aysan gudaha u galin.

Wuxuu sidoo kale sheegay inuusan ka tirsanayn qof magaciisa ku sheegay kornayl Cabdinaasir Caynab Cali oo loo yaqaan Xaayow, kaasoo BBC u sheegtay inuu yahay taliye katirsan ciidamada Badda oo ku sugan degmadaasi.

Admiral-ka ayaa sidoo kale sheegay inuusan waxba kasoo kordhin khasaaraha dagaal shalay dhacay oo ay ku geeriyoodeen in kabadan 7  katirsan Daacishta degmadaasi Gashay.

Khadadka taleefoonka ayaa ka go'an degmada Qandala iyo deegaanada hoos yimaada, waxaana taliyaha ciidamada badda uu sheegay inay cilladoobeen sida ay ku warameen mas'uuliyiinta shirkadda Golis ee goobahaasi Ku sugan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM