Puntland oo beenisay in uu kordhay qiimaha Gaaska

Image
Tani ayaa jawaab u ah hadalheyn baraha bulshada qabsatay saacadihii lasoo dhaafay.

GAROWE, Puntland - Dowladda Puntland ayaa gaashaanka waxay ku dhufatay wararka saacadihii lasoo dhaafay soo baxay ee ku aadan in uu kordhay qiimaha Gaaska lagu kariyo cunnadda.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ganacsiga, warshadaha iyo maalgashiga Puntland ayaa lagu xusay in go'aankan uu ku saleysan yahay baaris ay ku sameysay cabashada dadweynaha.

Sida ku xusan qoraal kooban oo kasoo baxay wasaaradda laguna daabacay ciwaankeeda Facebook-ga, wasaaraddu waxay "mar walba diyaar u tahay in ay xaliso cabashadda bulshadeeda".

Baraha bulshadda ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa hareeyay warbixino ku saabsan in qiimaha Gaaska uu gaarey $50. Dadweynuhu waxay sheegeen in qiimaha uu yahay "mid xad-dhaaf ah".

Wasiirka Arrimaha-gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhaban-cad oo ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga, ayaa wuxuu boggaadiyey in dadweynuhu ay cabashadooda la wadaagaan dowlada.

"Waxaan bogaadinayaa Shacabka Puntland ee masuuliyiinta Dowladda u wacaya in wax laga qabto qiime kororka Gaaska wax lagu karsado," ayuu yiri kahor inta aysan soo bixin jawaabta dowladda.

Gaaska lagu karsado cuntada ayaa bedelay dhuxusha oo si weyn looga isticmaali jiray dhulka Soomaalida. Hoos-u-dhac ku yimid isticmaalka dhuxusha wuxuu fursad u noqdey yareynta jaritaanka degaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM