Puntland oo bilad sharaf ku sagootisay ergayga Qaramada Midoobay

Image
Catriona Laing ayaa xilka baneynaysa iyadda oo lagu badalay James Swan oo Ameerikaan ah.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay oo sagootiyay Ergaygii Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Catriona Laing oo xafiiska banaynaysa. 

Deni ayaa waxaa fadhigan gaarka ah ku wehlinayay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor,

Sidoo kale, kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Cabdirisaaq Axmed Siciid, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, Xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda iyo Xubnaha Ururada Bulshada Puntland.

Ambs Catriona Laing ayaa lagu maamusay  bilad sharaf iyo Hadyado dhaqan oo uu Guddoonsiiyey Madaxweynaha Dowladda Puntland, isagoo uga mahadceliyay kaalintii muhiimka aheyd ee ay ka qaadatay hanaanka geedi socodka Dowlad dhiska Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM