Puntland oo caddeysay Mowqifkeeda ku aadan Shir uu Farmaajo ku baaqey

Image

GAROWE, Puntland - Dawladda Puntland ayaa shaacisay mowqifkeeda ku aadan Shirka Gollaha Amniga Qaran ee uu Madaxweyne Farmaajo dhawaan ku casuumey madaxda dawlad goboleedyada dalka Soomaaliya.

Isagoo wareysi siinayay SBC TV, Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi [Tima-Cadde], ayaa sheegay in aysan ka qeybgeli doonin Shirka uu 14-kii bishan June Farmaajo ku baaqey, kaasoo Villa Soomaaliya ay sheegtay in looga wadatashanayo geeddi socodka doorashooyinka dalka, arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argixisada, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Wasiirka wuxuu xusay in Puntland ay horey usoo dhawaysay, islamarkaana ka qeybgali doonto Shirka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ku baaqey inay isagu yimaadaan madaxda DF iyo maamullada, si xal looga gaaro khilaafka ka taagan nooca doorashadda noqon doonto.

Villa Soomaaliya ma aysan shaacin jadwalka uu ku qabsoomayo Shirka Amniga Qaranka, kaasoo ay ka shaqeynayeen guddiyo farsamo oo ka kooban dhammaan dhinacyada Dawladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka.

Guddiyada ayaa ku fashilmay inay isla meel dhigaan waqtiga iyo goobta shirka lagu qabanayo, kadib markii ay carqaladeysay Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo diiday dhamaan qodobadii lasoo bandhigay, iyadoo kulamadaasi uu dusha kala socday xafiiska QM ee Soomaaliya UNSOM.

Puntland ayaa horey uga digtay in dib loogu noqdo nimaadka 4.5 iyo inay madaxda DF mudo korarsi sameystaan, islamarkaana ay dib u dhigaan doorashadda 5ta bilood kaharsan, taasoo hadii ay dhacdo ka digayaan saamileyda siyaasadda inay horseedi karto in dalka uu dib ugu laabto halkii uu yimid, ee colaadda iyo deganaansho la'aanta.

GAROWE ONLINE

 

 

 

Related Articles

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM