Puntland oo cambaareysey weerarka iyo guddi baaritaan oo loo saarey

Image

April 20, 2015 (GO)- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ahna sii hayaha xilka madaxweynaha Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar Camey oo ay weheliyeen xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo saraakiil ciidan ayaa booqdey xarunta Qaramada Midoobey ee Garowe, halkaasoo maanta uu ka dhacay weerar ismiidaamin ah oo khasaare badan geystey.

Camey oo warbaahinta la hadlay ayaa si kulul u cambaareeyey weerarka isagoo ku tilmaamey fal waxashnimo ah islamarkaana liddi ku ah bini aadamnimada. Isagoo hadalkiisa sii wataa wuxuu intaas raaciyey in falalka caynkan ahi waxba u dhimi doonin amniga iyo jiritaanka Puntland.

" aad baan u cambaareynaynaa falkan waxashnimida ah ee ka durugsan bini aadamnimada...dowladdu waxay cadaynaysaa in weerarkani wax saameyn ah ku yeelan doonin ammaanka iyo jiritaanka Puntland" ayuu yiri.

Dhanka kale, madaxweyne ku-xigeenka ayaa guddi shan xubnood ka kooban u saarey inay baaritaan deg deg ah ku sameeyaan weerarkan, cidda fududeysey iyo weliba qaabka uu u dhacay.

1: Wasiirka Aminga Dawladda Puntland Xassan Cismaan Maxamuud Aloore
2: Wasiirka Warfaafinta Cabdiweli Xirsi Cabdulle
3: Wasiiru-dawlaha Caafimaadka Cabdullaahi Jaamac Cali.
4: Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Gen. Maxamed Saciid Jaqanaf.
5: Taliyaha nabad-sugidda Puntland Col. Cabdullaahi.

Warar madax bannaan oo Garowe Online heshay ayaa tibaaxaya in qofka is qarxiyey kamid ahaa shaqaalaha hoose ee xarunta gaar ahaan qaybta cuntada, wararku waxay intaas ku darayaan in ninkaas dhowaan shaqo fariisin lagu sameeyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM