Puntland oo cambaareysey weerarka iyo guddi baaritaan oo loo saarey

Image

April 20, 2015 (GO)- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ahna sii hayaha xilka madaxweynaha Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar Camey oo ay weheliyeen xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo saraakiil ciidan ayaa booqdey xarunta Qaramada Midoobey ee Garowe, halkaasoo maanta uu ka dhacay weerar ismiidaamin ah oo khasaare badan geystey.

Camey oo warbaahinta la hadlay ayaa si kulul u cambaareeyey weerarka isagoo ku tilmaamey fal waxashnimo ah islamarkaana liddi ku ah bini aadamnimada. Isagoo hadalkiisa sii wataa wuxuu intaas raaciyey in falalka caynkan ahi waxba u dhimi doonin amniga iyo jiritaanka Puntland.

" aad baan u cambaareynaynaa falkan waxashnimida ah ee ka durugsan bini aadamnimada...dowladdu waxay cadaynaysaa in weerarkani wax saameyn ah ku yeelan doonin ammaanka iyo jiritaanka Puntland" ayuu yiri.

Dhanka kale, madaxweyne ku-xigeenka ayaa guddi shan xubnood ka kooban u saarey inay baaritaan deg deg ah ku sameeyaan weerarkan, cidda fududeysey iyo weliba qaabka uu u dhacay.

1: Wasiirka Aminga Dawladda Puntland Xassan Cismaan Maxamuud Aloore
2: Wasiirka Warfaafinta Cabdiweli Xirsi Cabdulle
3: Wasiiru-dawlaha Caafimaadka Cabdullaahi Jaamac Cali.
4: Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Gen. Maxamed Saciid Jaqanaf.
5: Taliyaha nabad-sugidda Puntland Col. Cabdullaahi.

Warar madax bannaan oo Garowe Online heshay ayaa tibaaxaya in qofka is qarxiyey kamid ahaa shaqaalaha hoose ee xarunta gaar ahaan qaybta cuntada, wararku waxay intaas ku darayaan in ninkaas dhowaan shaqo fariisin lagu sameeyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM