​Puntland oo ciidamo gaysay qaybo kamid ah gobolka Sool

Image

GAROWE, Puntland- Ciidamo katirsan kuwa difaaca Puntland ayaa maanta galinkii dambe ku baxay qaybo kamid ah deegaanada lagu muransanyahay ee gobolka Sool, Labo maalin kadib markii mas’uuliyiin katirsan golaha xukuumadda Somaliland iyo Puntland war kasoo saareen xaaladda gobolkaas iyo doorashada Somaliland isu diyaarinayso.

Somaliland ayaa shaacisay in Puntland hishiis ku gaareen inaysan carqaladayn doorashada ka dhacay gobolka Sool, halka wasiirka Warfaafinta Puntland uu sheegay in arrintaas waxba kama jiraan tahay islamarkaana aysan suurogal noqon doonin in goobo ay maamulaan la keeno sanaadiiq codbixinta.

Arrintaas ayaa keenta in Puntland furimaha hore gayso ciidamadeeda. Warar GO ka helay jiida hore ayaa sheegaya in ciidankaas u jeedkoodu yahay sidii ay u joojin lahaayeen isku day kasta oo lagu doonayo in sanaadiiqda codbixinta lagu geeyo goobaha ay wali maamusho Puntland ee gobolka Sool kamid ah.

Xukuumadda Puntland iyo saraakiisha ciidamada ilaa hadda wax war ah kama soo saarin ujeedka ciidamadaas loo geeyay gobolka Sool oo qaybo kamid ah gacanta ugu jira Somaliland.

Dhinaca kale maamulka Somaliland ayaa wada dadaalo ku aadan inuu hirgaliyo nidaamka doorashada iyo in shacabku ka codeeyaan gobolka.

Gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa ah kuwo ay ku muransanyihiin maamullada Somaliland iyo Puntland, waxaana tan iyo bur-burkii dowladdii dhexe ee Milatariga ka dhacay dagaalo u dhaxeeya ciidamada labada dhinac.

Qaar kamid ah dagaalladaas oo dhimasho, dhaawac iyo barakac sababay, waxay ka dhasheen murarnka doorashada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM