Puntland oo ciidano boolis ah ku daabushay Badhan

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Dowladda Puntland ayaa waxay ciidamo boolis ah oo si gaar ah u tababaran kana hortaga khataraha dhanka nabad-gelyada waxay ku daabushay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.

Taliska booliska dowlada Puntland oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook ayaa hoosta kxariiqay in ciidamaddan ay u dhameystiran yihiin agabkooda iyo gaadiidkooda.

"Cutubyo ka tirsan ciidamadda Booliska Dowladda Puntland oo tababaran islamarkaana agabkoodu u dhameystiran yahay ayaa lagu guulaystay in la geeyo magaalada Badhan si ay u sugaan amniga degmada iyo guud ahaan Gobolka," ayaa lagu yiri qoraalka.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Taliska Ciidanka Booliska Dowladda Puntland  wuxuu ku baraarujinayaa bulshada Badhan iyo guud ahaan Gobolka Sanaag inay si dhow ula shaqeeyaan Ciidanka nabadgalyadda".

"Si gaar ah waxaa u mahadcelinaynaa Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr Siciid Cabdulaahi Deni iyo guddiga dib u dhiska ciidamadda oo dadaal dheeri ah ku bixiyey xasilinta siyaasadda Gobolka,tayeynta ciidamada iyo dhismaha xarumaha hay’addaha dowladda,taasi oo maanta miraheedii la hayo," ayaa lagu soo gabagabeeyay.

Afhayeenka madaxtooyada dowlada Puntland, Jaamac Dabraani, ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamadan ay qeyb ka noqonayaan sugitaanka ammaanka doorashooyinka dowladaha hoose.

"Dowladda Puntland waxay magaalada Badhan geysay Ciidamo Booliis ah oo tababaran agabkooduna u dhameystiranyahay, si ay u sugaan amniga degmada iyo guud ahaan Gobolka. Bulshada magaaladda Badhan iyo guud ahaan Gobolka Sanaag waxaan ka rajeynaynaa inay si dhow ula shaqeeyaan Ciidamada," ayuu ka dhawaajiyey.

Wuxuu kusoo xiray: "Waxaan u mahadcelinaya Madaxweyne Deni oo dadaal ku bixiyey xasilinta siyaasadda Gobolka, tayeynta ciidamada iyo dhismaha xarumaha hay’addaha dowladda, taasi oo maanta miraheedii la hayo".

Puntland oo ka gudbeysa nidaamka qabiilka ee 4.5 ayaa noqoneysa maamulkii ugu horeeyay ee xubin ka ah federaalka Soomaaliya ee ka hirgeliya degaanadiisa doorashooyin daahfuran oo dadku coddeynayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo weeraray goob uu ku sugan yahay ku-xigeenka Hogaamiyaha Daacish

Wararka ayaa intaasi ku soo beegmaya iyadoo ciidamada Puntland ay si weyn uga go’an tahay in ay burburiso xarumaha muhiimka ah.

  • Puntland

    13-10-2025

  • 12:45PM

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM