Puntland oo daah-furtay mashaariicda maalgelinta u adkaysiga Abaaraha

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa daah-furay Mashaariicda maalgelinta u adkaysiga Abaaraha iyo kasoo kabashada Saamaynta Isbedelka Cimilada.

Mashaariicdan ayaa qorshuhu yahay inay ka faa'iidaystaan dadka ay saameeyeen abaarihii kala danbeeyey ee dalka ka dhacay, sida xoolo dhaqatada, Kalluumaysata, Beeralayda iyo in la hirgeliyo dhaamam biyaha lagu kaydiyo.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha Puntland, waxaana kasoo qayb galay masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, qaar kamida Guddoomiyayaasha degmooyinka Puntland, ururada Bulshada rayid ka ah, Midowga Yurub, Saraakiil ka socdey dalalka Swedan iyo UK.

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo si rasmiya shirka u furay ayaa tilmaamay in shirkani yahay mid muhiimad wayn xanbaarsan, waxa uu sheegay in Soomaaliya ay baahi wayn u qabto mashaariicdani, gaar ahaan Puntland, marka loo eego abaarihii kala danbeeyay ee dalka ka dhacay iyo dadkii Soomaaliyeed ee usoo hayaamay.

Sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeen Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa u mahahceliyey Hay'addaha kala duwan ee deeq bixiyayaasha ah, waxaana uu ku booriyey inay howshaan dar-dargeliyaan, isagoo caddeeyey in Dowladdu diyaar u tahay inay doorkeeda qaadato.

Mashaariicdan oo qayb ka noqonaysa kasoo ka bashada abaarihii saamaynta lahaa ee dalka ka dhacay ayaa waxaa ka faa'iidaysandoona ku dhawaad 10 degmo oo ka tirsan Puntland iyo in ka badan 40 Tuulo.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Puntland State House

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM