Puntland oo dabcisay go'aano ay u soo rogtay Coronavirus awadiis

Image

GAROWE, Puntland – Dowlada Puntland ayaa waxay ku dhawaaqdey in ay khafiifisay go'aano ay 27-kii Maaj, 2020 u soo rogtay ka hortaga safmarka Coronavirus, sidda uu sheegay Wasiirka Caafimaadka.

Go'aanadaas oo kala ahaa; Isu socodka gobolada oo la joojiyey, Xiritaanka xuduudaha iyo mamnuucista ka ganacsiga qaadka ayaa loo dabciyey u diyaar-garowga dabaaldega Ciidul Fidriga.

Jaamac Faarax Xasan, wasiirka caafimaadka Puntland oo warbaahinta la hadlay, ayaa ku booriyey dadweynaha in ay ilaaliyaan talooyinka caafimaad ee looga baaqsan karo faafitaanka cudurka.

Tusaale ahaan, dadku marka ay ku kulmaan goobaha ganacsigu waa in ay kala fogaadaan ugu yaraan laba mitir. Si lamid ah, waa in ay xirtaan maaskarada kuna dedaalaan nadaafada iyo faraxalka.

Mulkiileyaasha mehradaha iyo ganacsatadda qaadka ayaa si gaar ah cod dheer loogu waaniyey in ay dhaqan-geliyaan talaabooyinkaan.

Sidda laga soo xigtay wasiirka, waxaa lala mamnuucay in Qaadka lagu iibiyo nawaaxiga Xarumaha dowladda iyo UN-ka. Taas bedelkeedu, waa in lagu beeciyaa meelo anshax ahaan wanaagsan.

Puntland ayaa laga helay 125 xaaladood oo ah Covid-19. Intaas waxaa wehlisa, waxaa la xaqiijiyey shan dhimasho ah, iyo saddex ka caafimaadey. Sarre u kac ku yimaadda kiisaskaas, waa mid la filan karo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM