Puntland oo dabcisay go'aano ay u soo rogtay Coronavirus awadiis

Image

GAROWE, Puntland – Dowlada Puntland ayaa waxay ku dhawaaqdey in ay khafiifisay go'aano ay 27-kii Maaj, 2020 u soo rogtay ka hortaga safmarka Coronavirus, sidda uu sheegay Wasiirka Caafimaadka.

Go'aanadaas oo kala ahaa; Isu socodka gobolada oo la joojiyey, Xiritaanka xuduudaha iyo mamnuucista ka ganacsiga qaadka ayaa loo dabciyey u diyaar-garowga dabaaldega Ciidul Fidriga.

Jaamac Faarax Xasan, wasiirka caafimaadka Puntland oo warbaahinta la hadlay, ayaa ku booriyey dadweynaha in ay ilaaliyaan talooyinka caafimaad ee looga baaqsan karo faafitaanka cudurka.

Tusaale ahaan, dadku marka ay ku kulmaan goobaha ganacsigu waa in ay kala fogaadaan ugu yaraan laba mitir. Si lamid ah, waa in ay xirtaan maaskarada kuna dedaalaan nadaafada iyo faraxalka.

Mulkiileyaasha mehradaha iyo ganacsatadda qaadka ayaa si gaar ah cod dheer loogu waaniyey in ay dhaqan-geliyaan talaabooyinkaan.

Sidda laga soo xigtay wasiirka, waxaa lala mamnuucay in Qaadka lagu iibiyo nawaaxiga Xarumaha dowladda iyo UN-ka. Taas bedelkeedu, waa in lagu beeciyaa meelo anshax ahaan wanaagsan.

Puntland ayaa laga helay 125 xaaladood oo ah Covid-19. Intaas waxaa wehlisa, waxaa la xaqiijiyey shan dhimasho ah, iyo saddex ka caafimaadey. Sarre u kac ku yimaadda kiisaskaas, waa mid la filan karo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM