Puntland oo dalbatay in 1-da August loo aqoonsado 'Maalinta Federaalka'

Image

GAROWE, Puntland – Soomaaliya waxaa ka jira maalmo iyo taariikhyo kala duwan oo maamuus iyo muhiimad gaar ah u leh dadka Soomaaliyeed, laguna xusuusto qaarkood halyeeyo difaaca qaranka qayb ka ahaa.

Halyeeyadaasi oo qaarkood loo sameeyay taallooyin ayaa waxay kasoo jeedan degaanadda dowladda Puntland, taasi oo qayb ka ahayd muujinta hadaf-yadda loo yag-leelay maamulkan isbuucan 21-sano jir-saday.

Dabaaldegyo ku aadan xuska 1-da August, oo maalintii la un-kay Puntland, ayaa tan iyo shalay ka socda magaalooyin kala duwan oo dalka iyo dibadda ah, kuwaasi oo shacabka Puntland kasoo jeeda ay qabsanayaan.

Mid kamid ah xafladahaasi ahayd tii ugu balaarneyd ayaa habeenimadii Khamiista waxay ka qabsoontay Madaxtooyadda Garowe, waxaana isugu tegay Madaxda taladda haysa, kuwii horey iyo marti ka socota dhinacyo kala duwan.

Madaxweynaha haatan, Saciid Cabdullaahi Deni, oo madasha ka hadlay ayaa wuxuu soo jeediyay in 1-da August loo aqoonsado "Maalinta Federaalka" Soomaaliya.

Taariikhdan ayaa huwan-tahay macno weyn. Marka hore, waxay tahay markii la aas-aasay maamulkii ugu horeeyay ee xubin ka noqday federaalka dalka ka hanaqaaday ee gobolada kale ku baahay.

Marka xigtana, maalintan "qiimaha badan u leh shacabka Puntland" ayaa ah maalintii la meel-mariyey dastuurka qabyadda ah ee dalka ka jira kaasoo Soomaaliya looga saaray kumeel-gaarnimada.

"Maanta [1-da August] waa maalin wayn, waa maalintii la aasaasay dawladdii ugu horeeysay ee xubin ka noqota dowladda federaalka ah, waa maalintii la ansixiyay dastuurka kumeelgaarka ah ee Soomaaliya looga saaray kumeelgaarnimada, hadaba waxaan madaxda soomaaliyeed heerarkooda kala duwan usoo jeedinayaa codsi ah in maalinta 1da Agoosto loo aqoonsado maalinta federaalka," ayuu Deni ka yiri xafladda oo aad loosoo agaasimay.

Sikastaba ha ahaatee, 1-dii Agusgut, sanadkii 1998-dii, ayey ahayd markii la aas-aasay Puntland, taasi oo ka dambeysay markii ay burbureen shirar looga hadlayey Dowladnimada Soomaaliya kadib dagaalkii sokeeye ee 1991-dii.

MUUQAALKA DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dhimasho ka dhalatay dagaal ka dhex-dhacay xabsiga dhexe ee Gaalkacyo

Dowladda iyo maamulka Gobalka mudug ayaan wali ka hadlin waxa ka dhacay jeelka.

  • Puntland

    02-05-2024

  • 11:22AM

Booliska iyo Shacabka Puntland oo dood adag ay dhexmartey

Kulanka ayaa ahaa mid is-xog-waraysi ah laguna xoojinayey wadashaqaynta iyo iskaashiga Amniga ee bulshada iyo booliska Puntland.

  • Puntland

    26-04-2024

  • 08:19AM