Puntland oo dalbatay in la baaro warbixintii New York Times

Image

GAROWE, Puntland – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wuxuu ka hadlay warbixintii lagu daabacay jaraa'idka New York Times ee looga hadlay qaraxyo ka dhacay Boosaaso, xarunta gobolka Bari.

Warbixinta joornaalkan laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa ku eedeysay dowladda Qadar in ay ka dambeyso dhacdooyinkaasi, isla markaana ujeedku ahaa in Imaaraadka laga racdeeyo halkaasi.

Xukuumadda Dooxa oo durba ka fal-celisay faaladaasi ayaa iska fogeysay, waxayna ku eedeysay Abu Dubai in ay doonayso in ay siyaasadda Soomaaliya ku gacan-sareeyo, kuna kaliyeysato. [Halkan ka akhriso]

Isaga oo ka qeybgalaya furitaanka Bandhiga 5aad ee Buugaagta Caalamiga ah ee Garowe, kaasi oo Talaadada maanta ah furmay, Deni ayaa cod dheer ku dalbaday in baaritaano lagu sameeyay xaqiiqada macluumadkan.

"Qoaalkaasi, New York Timies, sida lagu yaqaano waa wargeys aad cariir u ah oo dalka qanuunka aad u ixtiraama ku taala, waxaan qirayaa oo aan ku kalsoonahay in warkaasi ay sheegtay uu yahay mid xaqiiqo ah," ayuu yiri Deni.

Joornaalka ayaa sidoo kale waxa uu baahiyey in dilkii maareeyihii marsadda Boosaaso ee shirkadda P&O ee laga leeyahay Imaaraadka uu salka ku hayey danaha Qadar, ujeedkuna ahaa in shirkadaasi ay ka cararto dekadda.

"Marka waxaan ka codsanayaa goleyaasha baarlamaanka Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare ee xukuumadda Soomaaliya in arrintaasi baaritaan dhab ah laga sameeyo," ayuu hadalkiisa ku daray madaxweynaha.

Kooxda la magac baxday Dowladda Islaamka faraceeda Soomaaliya ayaa waxay dusha saaratay qaraxyadaasi oo dhacay bishii May ee sanadkan 2019.

"Ma oraanyo waa xaqiiqo iigu dambeysay, laakiin waxay abuurtay tuhun dadka qaarkiis ay qabeen, oo xasiloonida lagu dhaabacayo in meela ka baxsan Puntland laga soo maleegayo oo wejiyo kale loo geliyo," ayuu ku daray.

Wadamada Khaliifka oo dagaal dhinaca warbaahinta ah uu ka dhaxeeyo ayaa tan iyo markii uu qarxay khilaafka dhexdooda ah ayaa ku loolamaya dalal ay kamid tahay Soomaaliya, taasi oo saameynteeda la dareemay.

Dowladda Federaalka ah ayaa shaacisay in ay dhexdhexaad ka tahay khilaafkaasi, waxayna ku adkeysatay in ay ka shaqeynayso isu soo dhaweynta dhinacyadda.

MUUQAALKA DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Ingiriiska oo kawada hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya.

  • Puntland

    04-05-2024

  • 11:43AM

Dhimasho ka dhalatay dagaal ka dhex-dhacay xabsiga dhexe ee Gaalkacyo

Dowladda iyo maamulka Gobalka mudug ayaan wali ka hadlin waxa ka dhacay jeelka.

  • Puntland

    02-05-2024

  • 11:22AM