Puntland oo dar-dar gelisay xoojinta awoodeeda ciidan [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada Booliska Puntland. Munaasabadaas ayaa waxaa goob joog ahaa Taliyaha ciidamada Booliiska Puntland iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada Puntland.

Barnaamijka dib u habeynta iyo tirakoobka lagu sameynayo ciidamada Puntland aya waxaa hurmuud ka ah Wasaarada Maaliyada Puntland.

Wasiirka Maaliyada Puntland Xasan Shire oo juhdi badan galiyey barnaamijkaan ayaa waxaa uu saldhig u yahay xaqiijinta tirada ciidamada Puntland taas oo dowlada kaga baxdo lacag farabadan.

Hirgalinta barnaamijkaan ayaa ah mid Puntland kaliya isku tashatey oo aysan tageero ka helin dalalka Soomaaliya ka caawina dhismaha ciidmada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM