Puntland oo dar-dar gelisay xoojinta awoodeeda ciidan [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada Booliska Puntland. Munaasabadaas ayaa waxaa goob joog ahaa Taliyaha ciidamada Booliiska Puntland iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada Puntland.

Barnaamijka dib u habeynta iyo tirakoobka lagu sameynayo ciidamada Puntland aya waxaa hurmuud ka ah Wasaarada Maaliyada Puntland.

Wasiirka Maaliyada Puntland Xasan Shire oo juhdi badan galiyey barnaamijkaan ayaa waxaa uu saldhig u yahay xaqiijinta tirada ciidamada Puntland taas oo dowlada kaga baxdo lacag farabadan.

Hirgalinta barnaamijkaan ayaa ah mid Puntland kaliya isku tashatey oo aysan tageero ka helin dalalka Soomaaliya ka caawina dhismaha ciidmada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM