Puntland oo dardargelineysa wacyigelinta safmarka Covid-19

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Waxaa maanta ka dhacay xarunta dhexe ee wasaaradda caafimaadka Puntland kulamo uu hogaaminayay wasiirka wasaaradda Dr Jamac Farax Xasan uuna wehelinayay wasiir ku xigeenka iyo qaar kamid ah agaasimayaasha wasaaradda kaas oo lala qaatay masuuliyiin ka socda wasaaradda warfaafinta, gudoonka gobolka Nugaal, Taliska qaybta, ku xigeenka duqa Garowe, isku-duwayaasha wasaaradda caafimaadka iyo haweenka.

Kulanka hore ayaa la iskula soo qaaday sidii kaalintooda ay uga gaysan lahaayeen loona midayn lahaa wacyigalinta dhinac kasta ay gaarkeeda uwado sidoo kalena looga wada shaqayn lahaa qabsoomida wacyigalin balaaran oo ka dhici doonta magaalada Garowe laguna tagi doono inta badan magaalada.

Wasiirka ayaa kula wadaagay ka soo qaybgalayaasha xaaladihii ugu danbeeyay ee xanuunka Covid19 Puntland iyo wacyigalino wasaaraddu ka bilawday gobolada Karkaar iyo Bari taasoo dadweynaha lagula wadaagayo inay afka xirtaan kala Fogaadaan qataana talaalka, kaas mid lamid ah wasaaaraddu doonayso inay Garowe ka qabato idinkuna aad laf dhabar utihiin.

Dhamaan masuuliyiinka ka soo qaybgashay ayaa wasaardda iyo wasiirka uga mahadceliyay kaalinta ay ka qadanayaan wax kaqabashada iyo wacyigalinta Xanuunka Covid19, waxayna xuseen inay horay uwadeen wacyigalinta hadana ay qaybtooda ka qaadan doonaan.

Wasiirka ayaa kulan kale isla wasaaradda kula qaatay dadka udhaqdhaqaaqa arimaha bulshada ururada an dawliga ahayn ururadq ardayda jaamacadaha kuwa haweenka iyo dhalinyarada isxilqaamayaasha kaas oo isaga lagula wadaagay isla xogta aan kor kusoo sheegnay lagula wadaagay kaalintooda xilkasnimo iyo isxilqaanimo ee ay ka shaqeeyaan.

Waxayna soo dhaweeyeen inay kaalintooda ka qaadanayaan diyaarna uyihiin sidii bulshada gobolka gaar ahaan degmada Garowe looga wacyigalin lahaa xanuunka Covid19.

Maalinta bari ah ayaa lagu wadaa in daahfur loogu sameeyo wacyigalinta xarunta wasaaradda intaas kadibna kooxo magaalada loo diro wacyigalinta samaynaya si looga hortago waqtigan oo lagu jiro diyaar garowga ciida suuquna saxmadiisu badantahay in uu kordho xanuunku. Wasaaradda ayaa horay wacyigalintaan uga bilawday magaalooyinka Qardho iyo Boosaaso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM