Puntland oo dembi ku weydey dadkii ka qayb galay shirka Cadaado

Image

March 4, 2015 (GO)- Maxkamadda rafcaanka ee gobolka Nugaal ayaa diiddey xukun January 13, 2015 lagu ridey afar iyo toban qof oo isugu jirey siyaasiyiin, saraakiil ciidan iyo odayaal dhaqameed kasoo jeeda Puntland, laguna soo eedeeyey inay ka qayb galeen shir ka dhacay magaalada Cadaado.

Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa sheegay in eedaysaneyaashaasi ku guuleysteen rafcaan ay ka qaateen xukunkii horay loogu ridey kadib markii loo waayey kiiskooda cadeymo dhameystiran; sidaas darteedna maxkamaddu cadeynayso inaysan wax dembi ah lahayn.

Eedaysaneyaasha oo saddex kamid ahi maanta maxkamadda joogeen waxay  maxkamaddu amar ku bixisey in dowladdu siiso mag-dhow lacageed oo gaaraya $8,000. 

Afar iyo tobanka nin ee maanta eedaynta lagala laabtey waxaa horay loogu kala xukumey sidan:

Xabsi Daa'im waxaa lagu xukumey:

  1. Cabdiweli Muuse Shire.
  2. Cabdirisaaq ismaaciil Xasan Darwiish.
  3. Cabdisalaam Cabdiqaadir Sheekh Doon.

Xarig toban sano ah ayaa lagu xukumay:

  1. Cabdikariim Cumar Ismaaciil.
  2. Cali Cigaal Af-gaab.
  3. Warsame Qolofeey Shiddo.
  4. Xasan Garabeey.
  5. Deeq Maxamuud Qaanso.
  6. Maxamed Barre Nuunuule.
  7. Cadooye Aadan Xasan.
  8. Xuseen Kuluc Maxamuud.
  9. Jaamac Maxamed Axmed.
  10. Cabdirashiid Maxamed Xirsi.
  11. Jaamac Maxamed Axmed Sandaqad.

Puntland ayaa dhowr mar ku celcelisey inaysan aqoonsan doonin maamulka la qorsheynayo in loo sameeyo gobollada dhexe, maadaama -sida Puntland ku dooddey- shirkaasi yahay mid liddi ku ah jiritaankeeda iyo midnimada bulshada reer Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM