Puntland oo dhaqan-gelineysa siyaasadda barakacyaasha

Image
Image
Image
Sidoo kale, waxaa shirka looga wada hadlay xaaladda abaaraha oo hadda deegaamada qaybtood ka jirta iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaaa.

GAROWE, Puntland - Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa Xafiiskiisa Garowe kula kulmay qaar ka mid ah Guddoomiyaasha Degmooyinka Puntland.

Kulanka waxaa looga wada hadlay xaaladda guud ee Puntland, sida Amniga, Siyaasadda, horumarinta arrimaha Bulshada, arrimaha barakacayaasha iyo u diyaar-garowga dhaqangelinta siyaasadda barakacayaasha ee ay samaysay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo sidii la isaga kaashan lahaa arrimaha hortabinta leh ee hadda ka socda guud ahaan Degmooyinka Puntland.

Sidoo kale, waxaa shirka looga wada hadlay xaaladda abaaraha oo hadda deegaamada qaybtood ka jirta iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaaa.

Kulanka waxaa qayb ka ahaa Agaasimaha Waaxda Dowladaha Hoose Maxamed Maxamuud Cali (Goojacade), waxaana ka soo qaybgalay Guddoomiyaasha Degmooyinka Bosaaso, Qardho, Gaalkacyo, Eyl, Buurtinle iyo Banderbayla.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM