PL oo dhaliishay soo xulista madaxa Bankiga dhexe iyo siyaasada DFS

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdulahi Dani oo dib ugu soo noqday magaalo madaxda Puntland ee Garowe Sabtidii ayaa shir jaraa'id uu habeenkii xalay ku qabtey xarunta Madaxtooyada waxaa uu warbixin ka siiyey shacabka xogta booqashadii uu ku soo kala bixiyey dalalka Imaaraadka Carabta iyo Kenya intii u dhexeysay 8 April - 27 April, 2019.

Dani ayaa shirkiisa jaraa'id ku sheegey in 8 April- 11 April, 2019 intii uu ku sugnaa magaalada Abu dhabi halkaas kula kalmey qaar ka tirsan madaxda dalkaas kuwaas kala hadlay mashaariic ay ka caawini jireen Puntland sida dhinacya amniga halka ay kawada hadleen kor u qaadista arimaha iskaashiga dhaqaalaha iyo hurumarinta ganacsiga.

Madaxweynaha ayaa sheegey inuu is-fahan ka dhacey kulamdaasi hoostana lagaga xariiqey in amniga kaliya aan gaar wax looga qaban karin hadii uusan hareer socon hurumarka dhinaca dhaqaalaha iyo iskaashiga kale kuwaas keeni kara shaqo abuur.

Warsaxafdeedkaan oo socdey muddo 30 daqiiqo ah ayaa Madaxweyne Dani ku sheegey in dowlada Imaaraadka balan-qaadey in hay'adaha samafalka ee bixiya gargaarka bini'aadnimada ay xafiisyo ka furan doonaan Puntland kuwaas gacan siinaya shacabka maamulkaan iyo guud ahaan Soomaaliya.

Isaga oo ka hadlaya heshiiska dekadda dowlada Puntland la gashay shirkada DP World oo uu tilmaamay in ay la wadaageen madaxda hay'adaasi kiiska dilkii loo gaystey sarkaalkii u qaabilsanaa marsada xarunta gobolka Bari kaasi oo ay dishay kooxda Al-Shabaab ayuu xusey iney ku qanceen dadaalkii laga galay sidii gacanta loogu dhigey dadkii ka dambeeyey falkaas.

Dani ayaa carabka ku dhuftay in madaxda shirkadaas ay wacad ku mareen in Puntland ka tageeri doonaan adkeynta amniga magaalada Boosaso gaar ahaan kor u qaadida hay'daha dhinaca baarista iyo dhismayaasha xarumaha booliska.

Madaxweynaha Puntland ayaa shaaciyay in uu kulan gaar ah la yeeshay Gudoomiyaha shirkada DP World ayna kawada hadleen arimaha labada dhinac kala tabanayaan gaar ahaan dhaliilaha jira kuwaas garowshiiyo labada dhinac ka baxsheen isagoo tibaaxay in lagu heshiiyey Jadwal shaqo oo sahlaya in heshiiskaan noqdo mid dhaqan-gala.

Shirka diyaaradaha ee Fly Dubai ayuu ku nuux-nuux saday in uu kala xaajooday sidii duulimaad ugu imaan-lahaayeen garoomada Puntland iyo in fududeeyo fiisooyinka dal ku galka si Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Puntland ugu ugu tagi lahaayeen wadankaas arimaha la xiriira ganacsiga iyo caafimaadka.

- Booqashadii Kenya -

Madaxweyne Dani ayaa warbixintiisa ku sheegay inta uu ku sugnaa dalka Kenya uu kulamo la qaatey safiirada dalalka tageera Soomaaliya gaar ahaan denjireyaasha Ingriiska, Mareykanka, Midowga Yurub, Sucuudiga, Sweden, Hindiya iyo Masar.

Si lamida waxa uu daboolka ka qaadey in uu la kulmay siyaasiyiin kuwaas ay kamid yihiim qaar ka tirsan madaxda maamulada xubnaha ka ah dowlada Federaalka Soomaaliya iyo dad waxgarad oo ay qayb ka ahaayeen ganacsato.

Dani ayaa sidoo kale la kulmay jaaliyada reer Puntland ee ku sugan dalka Kenya kulankaas oo lagaga hadlay sidii loo mideyn lahaa shacbka ku nool maamulkaan.

"Waxaa kulan gaar gaar ah iyo mid guud aan wada yeelaney Madaxweynayaasha Jubaland iyo Galmudug labadoodaba waxaan ka wada hadalnay arimaha Soomaaliya iyo xaalada maanta mareyso iyo cakirnaanta jirta laga soo bilaabo sanadkii 2018 shirarkii joogtada ahaa ee u dhaxeyn jirey dowlada dhexe iyo dowladaha xubnaha ka aha Federaalka kuwaas oo baaqdey, sidii argatiyaha la kala qabo la isugu soo dhoweyn lahaa, mid guudna looga qaadan lahaa," ayuu yiri.

Mar uu si gaar ah u dul-istaagay kulamada saaxiibada Soomaaliya ayuu afka ku balaariyay inay walwal ka qabaan halka uu mustaqbalka Soomaaliya u socdo hadii ay sii jirto kala maqnaanshahaan isagoo sheegay inay la wadaageen inay si dhow ula socdaan xaaladaha jira.

- Walaaca Puntland ee xaalada jirta iyo kulanka Dani la qaatey Senator-s Aqalka Sare -

Intii uu dibada ku maqnaa, waxaa caasimada gobolka Nugaal tegay wafdi ka socda Aqalka Sare gaar ahaan xubnaha Puntland ku metala Aqalka Sare, kuwaasi oo uu markii dalka dib ugu soo laabtay uu Deni la fariistay wafuudaasi.

Wafuuda waxaa qayb ka ahaa mudane Cabdiraxmaan Maxamed [Faroole], madaxwaynihii hore ee Puntland, isla markaana qayb ka ah Senate-ka Soomaaliya

"Puntland hadii aan soo koobo waxaan caawa shirkaan ka hor aniga iyo Madaxweyne ku xigeenka kulan la yeelaney xubno ka socda Aqalka Sare ee Puntland u matala dowlada federaalka ah oo uu ugu horeeyo Madaxweynihii hore Cabdiraxman Farole, Jurile iyo rag farabadan oo kale ee la socdey oo runtii labadaas odey oo kasoo jeeda khabiiradii xiligii KMG laga baxayey Dastuurkaan, waxaana dood dheer iyo falanqeyn ka yeelaney xaalada dalka iyo meesha uu marayo iyo Puntland waxa la gudboon." ayuu daba dhigay hadalkiisa Madaxweyne Dani.

Dani ayaa hadalkii uu u jeediyey habeenkii xalay ku sheegeay in uu jecel yahay in shacabka la wadaago sida Puntland welwelka uga qabto sida dalka loo maamulayo iyo habka wada shaqeynta.

"Waxyaalaha dhabta ah ee soo baxaya ee aan rabo in aan la wadaago dadka reer Puntland iyo dadka Soomaaliyeedba sida dad badan ee Soomaaliyeed wel-wel uga qabaan xaalada siyaasadeed iyo meesha ay ku socoto ayaa Puntland waxaa ay welwel ka qabtaa habka wada-shaqeynta iyo dalka sida loo maamulayo, runtii khataraha ugu weyn ee Puntland dareemeyso waxaa kamid ah in nidaamkii iyo Dastuurkii lagu heshiiyey la gacan bidixeynayo, wadadii loo baahnaa uusan ku socon waxaa nooga muuqata in dalka yeesho caqabad siyaasi ah aan xalin karin," ayuu daaha ka rogay.

Mudane Dani ayaa carabka ku adkeeyey in Dastuurku uusan weli dhameystireyn islamarkaana sida hadda lagu wado uusan aheyn qaabkii la isku raacay, "taasi oo abuurtey fahan daro ku timid wadamada aan saaxiibka nahay oo ah inay garan waayeen qaabkii ay noola shaqeyn lahaayeen".

Madaxweyne Dani oo si adag u dhaliilay Shirka Golaha Amniga Qaranka ayaa ku tilmaamay mid aan ka turjumi karin himilooyinkii loo aabuurey golahaas madaama uu ku guuldareystey in dalka uu ka abuuro amni qaran oo wada-jir ah.

"Golaha Amniga Qaranka cilada ugu weyn ee kasoo baxdey waxaa kamid ah dalka Soomaaliya oo aan laheyn nidaam wada shaqeyn amni ah oo matalan Puntland dhibaatada amni ee haysata aysan war u hayn midda Galmudug haysata, Galmudug midda haysata aysan HirShabelle war u hayn dowlada dhexe midda haysa ee maalin walba KM 4 anagu aan war u hayn waxna aanu ka qaban karin hadana meeshii la rabey in dalka hogaamiyo aheyd golaha amniga qaranka kaas oo aan dabooli karin baahida dalka," ayaa laga soo xigtay.

- Aragtida Puntland ee dhameystirka Dastuurka -

Madaxweyne Dani ayaa cadeeyay in dhameystirka Dastuurka kaas oo la isku afgartay sanadkii 2012 uu lahaa lifaaq qeexayey sida loo qabyo tirayo balse aan gabi ahaanba la raacin lagana leexdey dhabihii loo mari lahaa.

"Dastuurka in la dhameytiro waxaa la isku raacey in la sameeyo guddi Shan qof oo dowlada dhexe soo magacaabeyso iyo xubno wakiilo ka ah dowldaha xubnaha ka ah Federaalka soo xulanayaan ilaa maanta oo 2019 shaqadii la iska rabey lama qaban, waxaana si cad dowlada dhexe u hor-istaagtey in xubnahaas laga mid noqdo taasi oo meesha ka saartey sharci ahaanta nidaamka dib u eegista dastuurka madaama si cad loo diidey dadkii kor joogta ka ahaan lahaa meeshana ka maqan yihiin," ayuu raaciyay.

Hogaamiyaha maamulka Puntland ayaa intaasi ku daray "in dowlada dhexe ay caalamka ku qancisay in shaqada iyadu leedahay ayna iska wadato iyadoo dalkii loo sameeystey wax la yiraahdo National development plan kuwaas wax shuqul ah aysan ku lahayn mamaulada".

"Puntland waxay dood badan ka qabtaa nidaamka loo qaybiyo deeqaha dalka soo gala taas oo dulan wayn ku qabto, qaabka deeqaha loo qaybiyo, dowladda waxay isku koobtay shaqadii qaranka ... waxaa la sameeyay wax la yiraahdo Tubo oo waaxyo ah, lacago fara badan oo meeshey ku baxday aan la ogayn looga qaado caalamka kadibna lasoo saaro warbixino ay ku jiraan balaayiin dollar oo meesha ay martay aan la ogeyn," ayuu Deni afka ku balaariyey.

- Dhaliisha Puntland ka qabto habka loo xuley Gudoomiyaha Bangiga dhexe -

Horaantii sanadkaan 2019, xukuumada ayaa magacowday gudoomiyaha Bangiga Dhexe, kaasi oo laga dhigay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi oo degaanada Somaliland kasoo jeeda.

Sidda uu ka dhawaajiyay madaxwayne Deni, waa "u sad-burin" talaabada ay dowlada u xulatay Cabdiraxmaan, maadaama marka laga hadlo nidaamka awood qaybsiga ay Puntland leedahay jagadaasi.

"Waxaan dhaliil weyn ka qabney sidii loo maareeyey soo xulida Gudoomiyihii Bangiga dhexe ee Soomaaliya oo runtii ah xadgudub habka nidaamka hab qaybsiga oo muuqda oo hadana nidaam aad u khaladan loo marey habkii soo xulistiisa, waxaana wax qayb ahaan xaq u lahaa dadka reer Puntland, waxaa hareer socotey mar la badalayey gudoomiyaha Maxakamada sare looma marin hab ninbaa laga qaadey nin isla haybtiisa ah ayaa lagu badaley Puntland waxba kama qabin laakiin Gudoomiyaha Bangiga Dhexe markii lasoo gaarey waxaa la yiri waxaa la galinayaa tartan furan ha loo galo, markii ugu horeysay waxaa laga leexiyey wadadaii saxda ahayd, waxba kama qabno mustaqbalka dadka Soomaaliyeed inay Imtixaan u galaan oo loo xulo qofka ku haboon balse hadda waxaa hab-qaybsi u lahaa dadka reer Puntland," ayuu yiri Madaxweyne Dani oo durayey nidamkii loo marey soo xulista Gudoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Dani ayaa sheegey in dowlada Puntland bisha May 2-deeda martigalineyso kulan u dhexeeya maamulada Soomaaliya iyo dowlada Federaalka ah kaas oo lagaga hadli doono arimaha tagaan ee is-mari waaga ah labada dhinaca udub-dhaxaadka u ah si xal waara loogu helo.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska iyo Shacabka Puntland oo dood adag ay dhexmartey

Kulanka ayaa ahaa mid is-xog-waraysi ah laguna xoojinayey wadashaqaynta iyo iskaashiga Amniga ee bulshada iyo booliska Puntland.

  • Puntland

    26-04-2024

  • 08:19AM

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM