Puntland oo “dib-u-celineysa" wariye Jamaal Cusmaan

Image
Sarkaal amni ayaa u xaqiijiyay Garowe Online in uu saxafigan kusii jeeday buuraha Sanaag iyo Sool.

GAROWE, Puntland - Wararkii ugu dambeeyey ee nasoo gaaraya ayaa sheegaya in Wariye Jamal Cisman uu weli ku jiro gacanta hay’adaha Nabad Sugida Puntland.

Jamal ayaa su’aalo lagu waydiiyay xarunta Nabad Sugida, iyadoo wararka qaar ay tilmaamayaan in hay’adaha Dowladda ay qorsheynayaan in dib loogu celin doono duulimaadkii uu ku yimid.

Sarkaal magaciisa diidey in la shaaciyo ayaa sheegey in Jamaal Osman uu ku sii jeeday buuraha gobolada Sanaag iyo Bari, halkaas oo ay ku sugan yihiin kooxo argagixiso ah.

Jamaal, oo ka tirsan shaqaalaha TV-ga Channel 5, ayaa loo yaqaannaa inuu soo saaro barnaamijyo ku saabsan kooxda Al Shabaab, isagoo barnaamijkiisii ugu dambeeyey diiradda saaray degaannada ay kooxdu ku leedahay Koonfurta Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM