Puntland oo dib-u-eegaysa heshiis ay la gashay jaziirada Seychelles

Image

GAROWE, Puntland – Dowladda Puntland ayaa waxbo kama jiraan waxay ku tilmaamtay sheegashooyin been abuur ah oo ku aadan in ay sii deysay maxaabiis loo haysto dambiyo la xiriira burcad-badeednimo.

Xukunsaneyaasha oo tiradooda ay gaareyso 30 qof kuwaasi oo dhalinyaro u badan ayaa waxaa lagu soo maxkamadeeyay gudaha Jaziiradda Seychelles ee dhacda Badweynta Hindiya, bariga qaaradda Afrika.

"Dadkaasi burcad badeeda ah way xiran yihiin…is-afgarad u dhaxeeyay Puntland iyo Seychelles ayaa jira…Puntland cidna masii deyn, saxna ma ahan arrintaasi," ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda maamulkan.

Somaliland ayaa cafis u fidideysay maxaabiis tobanaan ah oo ay Seychelles burcad-badeednimo u xukuntay, talaabadaasi waxay xiisad ka dhex-dhalisay labadda dhinac, taasi oo kiiska ka dhigtay caalami ah.

Beeninta wasiir Cawil Sheekh Xaamud ayaa imaanaysa xili todobaadyo kahor qoraal wadajir ah uu ka helay sideed safaarad oo caalamka ku metala Soomaaliya, kuwaasi oo ka walwalsanaa wararkaas been abuurka ah.

Sidda laga soo xigtay Xaamuud, bayaanka ayaa waxay ku sheegeen in mas’uuliyiin sarre oo dowladda Puntland ka tirsan laga soo xigtay xogtaasi, inkasta oo aysan magacaabin, haddana wasiirka baa qashinka ku daray.

Dib-u-eegis

"Arrintaasi waxba kama jirto, Puntland cidna masii deyn, dadkaasina waa xiran yihiin," ayuu xusay. "Laakiin, waxa noo mudan waxay tahay in aan dib u gala xiriirno raggaasi xuquuqdooda iyo kiiskooda".

Puntland, maamulka ugu da’da federaalka ka jira Soomaaliya, ayaa aad ula dagaalama burcad badeeda iyo dambiyadda ka dhaca xeebaha, waxaana jira ciidamo howshaas loo carbiyey oo ka howgala.

"Annaga oo rabna in aanan jebin heshiiska nagala dhaxeeya Seychelles, haddana waxaan rabnaa in aan sidii hore wax ka bedelno," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay wasiirka oo u waramay Puntland Tv.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamadda Puntland oo qabtey nin ku hubaysan walxaha qarxa

Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 05:32PM

Puntland iyo Sweden oo ka shiray iskaashi dhanka mashaariicda horumarinta

Madaxweyne Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 03:34PM