Puntland oo heshay doon kalluumeysi oo lagu waayey Badda Cas

Image

GAROWE, Puntland – Dowladda Puntland ayaa waxay ku guuleystay in ay dib u hesho doon kalluumeysi oo lagu waayey xeebaha Badda Cas.

Doontan oo laga soo helay meel 70-mile u jirta xeebta magaaladda Boosaaso ayaa Isniintii lasoo dhaafay ka shareecatay xeebta degmada Bareeda.

Wasaaradda Kalluumeysiga ayaa Axadda maanta ah ku dhawaaqday in kadib howlgal la sameeyay ay kusoo badbaadiyeen doonta iyo shaqaalaheeda.

Wadarta guud ee howlwadeenadda ayaa waxay gaareysaa Sagaal, kuwaasi oo shan kamid ah ay Soomaali yihiin, mid Kenyan ah iyo laba Carab ah.

Sidda ay warsidaha Garowe Online u xaqiijiyeen illo lagu kalsoon yahay, Doonta ayaa kusii jeeday waddanka colaaduhu la dageen ee Yemen.

Bishii hore ayay ahayd markii dowladda Puntland ay shaacisay in ay ganaaxday doonyo kuwaasi oo lagu qabtay kalluumeysi sharci darro ah.

Puntland, maamulka ugu da’da weyn Soomaaliya, ayaa leh ciidamo badeed, kuwaasi oo aad u suga ammaanka xeebaha lana dagaala shufta badeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM