Puntland oo digniin culus hawada u marisay wariyeyaasha

Image

GAROWE, Puntland - Dowladda Puntland oo cod dheer digniin ugu dirtay wariyeyaasha "caadeystay faafinta wararka been abuurka ah" ayaa carabka ku adkeysay in ay ku muteysan karaan "ciqaab adag".

Cawil Sheekh Xaamud, wasiirka cadaaladda iyo dastuurka Puntland oo shir jaraa'id ku qabtey caasimada Garowe, ayaa xusay in maamulka uusan marnaba ogolaan doonin "in sumcadiisa la dilo".

Xilli uu hoosta ka xariiqay in Puntland aysan "waxyeelayn karin" warar lagu faafiyo baraha bulshadda, haddana wuxuu xusay in ay meel adag iska taageyso la tacaalida falalka noocaas ah.

Wariyeyaal uusan carabaabin oo uu tibaaxay in ay "ku mashquulaan" faafinta wararka liddiga ku ah Puntland ayuu ku tartarsiiyey in xooga ay saaraan "horumarinta nafsadooda".

"Dadka noocaas ahi waa in ay ogaadaan Puntland in ay tahay sidda buur aysan dabeyluhu gilgili karin. Waa in ay ogaadaan Puntland in aysan aqbaleyn in sumcadeeda la dilo," ayuu ku daray.

Isagoo aan cid gaar ah magacaabin, wasiirka oo ku nuux-nuux-saday "in aysan jirin dunida meel laga ogol yahay Fake News" ayaa daaha ka rogay in saxafiyiintaas qaarkood ay ku shaqeeyaan dano siyaasadeed.

Maamulka muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey ee Farmaajo ayaa lagu eedeeyay in uu malaayiin doolar-ka Mareykanka ku bixiyo sidii uu xasilooni daro ka abuuro maamulada aragti ahaan diidan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM