Puntland oo digniin kasoo saartay jariifka kalluunka

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Masuuliyiinta Wasaraadda Maaliyadda ee gobolka Gardafuu, ayaa kormeer shaqo ku tagey xeebaha Degmada Bareeda, iyagoo indha-indheyn ku sameeyay dakhliga Xeebaha ee Wasaaraddu qaado.

Koormeerka, waxaa hogaaminayay Xisaabiyaha Wasaarada Maaliyada gobolka Gardafuu Maxamed Axmed Jeeg, Taliyaha Qeybta gobolka Gardafuu Gaanshaanle sarre Shire Cabdi Ismaacil iyo maamulaha Dakhliga ee gobolka Cumar Jaamac Juusuf.

Masuuliyiintan, waxey digniin u direen Kalluumeysatada si sharci daro ah ugu Kalluumeysata Xeebaha Puntland gaar ahaan gobolka Gardafuu, waxeyna sheegeen ciddii lagu helo iyagoo si sharci darro ah u kalluumeysaneysa sharciga la hor keeni doono.

Xeebta Puntland, ayaa aad u dheer, waxaana ceegaaga kheyraad farabadan, waxaana la sheegaa in ay soo gallaan Maraakiib iyo Doonyo si sharci darro ah uga Kalluumeysta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM