​Puntland oo diiday Manhajka Waxbarashada Somalia

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland ayaa kasoo horjeensatay Manhajka Waxbarashada Soomaaliya ee wasaaradda waxbarashada dalka ay hor gaysay golaha wasiirada Khamiistii lasoo dhaafay.

Masuuliyinta wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland oo maanta shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Garowe ayaa sheegay in Puntland aysan ku qanacsanayn qaabka ay wax u wado dhigeeda Dowladda Federaalka.

Wasiirka wasaaradda Waxbarashada Puntland, Abshir aw Yusuf Ciise ayaa wariyaasha u sheegay in Puntland ay leedahay Manhaj waxbarasho sidaa darteedna loo baahanyahay in laga wadatashado midka qaranka maadama ay ay ku jirto dowladah xubnaha ka ah Federaalka.

Abshir Aw Yuusuf Ciise ayaa tilmaamay in Puntland ay dhanka manhajka ka hormarsantahay maamullada kale ee Somalia.

Wasiir Yuusuf ayaa soo jeediyay in laga tashado masiirka waxbarashada Qaranka kahor intaysan af-duuban wasaaradda u qaabilsan dalka.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya ayaa shirkii khamiista hore golaha wasiirrada Soomaaliya kusoo bandhigay manhajka waxbarashada qaranka kaas oo usbuuca soo aadan ay ka doodi doonaan golaha xukuumaddu.

Waa khilaafkii ugu horeeyay ee soo if-baxa tan iyo markii xilka uu qabtay Madaxweyne Farmaajo bishii labaad ee sannadkan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM