​Puntland oo diiday Manhajka Waxbarashada Somalia

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland ayaa kasoo horjeensatay Manhajka Waxbarashada Soomaaliya ee wasaaradda waxbarashada dalka ay hor gaysay golaha wasiirada Khamiistii lasoo dhaafay.

Masuuliyinta wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland oo maanta shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Garowe ayaa sheegay in Puntland aysan ku qanacsanayn qaabka ay wax u wado dhigeeda Dowladda Federaalka.

Wasiirka wasaaradda Waxbarashada Puntland, Abshir aw Yusuf Ciise ayaa wariyaasha u sheegay in Puntland ay leedahay Manhaj waxbarasho sidaa darteedna loo baahanyahay in laga wadatashado midka qaranka maadama ay ay ku jirto dowladah xubnaha ka ah Federaalka.

Abshir Aw Yuusuf Ciise ayaa tilmaamay in Puntland ay dhanka manhajka ka hormarsantahay maamullada kale ee Somalia.

Wasiir Yuusuf ayaa soo jeediyay in laga tashado masiirka waxbarashada Qaranka kahor intaysan af-duuban wasaaradda u qaabilsan dalka.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya ayaa shirkii khamiista hore golaha wasiirrada Soomaaliya kusoo bandhigay manhajka waxbarashada qaranka kaas oo usbuuca soo aadan ay ka doodi doonaan golaha xukuumaddu.

Waa khilaafkii ugu horeeyay ee soo if-baxa tan iyo markii xilka uu qabtay Madaxweyne Farmaajo bishii labaad ee sannadkan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM