Puntland oo dil toogasho ku fulisay xubno Al-Shabaab iyo ISIL ah

Image
Dagaalameyaasha ayaa lagu kala toogtey magaalooyinka Garowe, Boosaaso iyo Gaalkacyo.

GAROWE, Puntland - Maxkamada Ciidamada qalabka sidda iyo dambiyada culus ee Puntland ayaa saaka xukuno qisaas dil ah ku fulisay dhawr iyo toban xubnood oo ay horey ugu heshay kamid ahaanshiyaha kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish isla markaana ay dilal iyo qaraxyo ka gaysteen gudaha Puntland.

Magaalada Boosaaso ayaa lagu dilay shabakad ka koobnayd 6 xubnood oo kuwaasi oo maxkamadu ay sheegtay in ay dilal qorsheysan iyo qaraxyo ka gaysteen xarunta gobolka Sool.

Garowe ayaa lagu toogtey nin magaciisa lagu soo koobay, Shuceyb kaasi oo horey Puntland ay sheegtay in ay ku qabatay duulaankii xoogaga hubeysan kusoo qaadeen deegaanada xeebaha dhaca ee Suuj iyo Garmaal iyada oo xiligaasi cafis lagu sii daayay waxaana dib ay maxkamada ciidamadu sheegtay in uu gudaha Puntland uga gaystay dilal.

Magaalada Galkacyo, waxaa xukun dil toogasho lagu fuliyey lix xubnood kuwaasi oo ay maxkamadu ku heshay in ay dilal iyo qaraxyo ka geysteen gudaha Puntland.

Puntland ayaa dagaal kula jirta kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish kuwaasi oo haatan uu guluf colaadeed kaga socdo koonfurta iyo gobalada dhexe ee Soomaaliya. Maleyshiyaadka gacansaarka la leh Al-Qaacida waxaa kusoo wajahan wajiga labaad ee guluf ciidan kaasoo abaabulkiisa ay waddo dowlada federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM