​Puntland oo dil toogasho ku xukuntay 7 ruux

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOSASO, Puntland- Maxkamadda ciidamada Qalabka sida iyo dambiyada culus ee Puntland ayaa dil toogasho ku xukuntay dhalinyaro lagu eedeeyay inay dilal kala duwan ka gaysteen magaalada Bosaso xarunta gobolka Bari.

Dadka la xukumay oo tiradoodu gaaraysay 7 qof ayaa lagu helay inay ka dambeeyeen falalkii lagu khaarajiyay saraakiil katirsanaa dowladda, kuwaasoo sannadkii hore lagu dilay xarunta gobolka Bari ee Bosaso.

Waxaa si gooni ah loogu eedeeyay inay dileen Xeer ilaaliyihiin maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee Puntland, Agaasimihii Madaxtooyada iyo Taliye ku-xigeenkii saddexaad ee ciidamada Booliiska Puntland.

Howlgallo ciidamado sameeyeen dilalkaas kadib ayaa lagusoo qab-qabtay 7-daasi ruux oo qaybtood loo haysto inay wax ka maleegeen qorshayaashii lagu dilay mas'uuliyiintaas.

Balse Qareenada raggaas difaacayay ayaa diiday go'aanka maxkamadda waxayna sheegeen in dhalinyaradaas aysan wax dambi ah lahayn.

Guddoomiyaha Maxkamadda Cabdifataax Xaaji Aadan ayaa sheegay inay u furanyihiin xukumanaayasha Racfaan ku aadan dambiga loo haysto.

Raggan la xukumay oo kala ahaa;

Nuuradiin Axmed samatar Deerow (dadiisu 20 sano jir)

Ayuub yaasin cabdi ( dadiisu 32 sano jir )

Cali Ismaaciil cali (Cali gaab) (20 sano jir )

Xasan Aadan Xasan Maxamed (dadiisu 22 sano jir )

Cabdixakiin Maxamed Aways (dadiisu 24 sano jir )

Maxamed Yaasin Cabdi Maxamud (dadiisu 17 sano jir )

Daa uud siciid sahal (dadiisu 18 sano jir.

Xukunkan ayaa kusoo aaday xilli amniga magaalada Bosaso uu faraha ka baxay iyadoo todobaadkii hore weerar lagu qaaday hotel ku yaalla magaalada taasoo ay mas'uuliyadiisa sheegatay kooxda Daacish.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM