Puntland oo eedeymo culus u jeedisay madaxda dowlada federaalka

Image

GAROWE, Puntland - War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Puntland ayaa waxaa eedeymo cul-culus loogu jeediyay madaxda dowladda Soomaaliya.

Ugu horeyn, bayaanka ayaa lagu sheegay in Puntland ay ka welwelsan tahay hab-dhaqanka madaxda federaalka ee "curyaaminaya dowladnimo dalka ka hirgasha".

Warka qoraalka ah ayaa lagu xusay in hogaanka dalka uu "hareer-marey qaybsiga deeqaha caalamka, uuna u adeegsanayo burburinta maamul goboleedyadda".

"[Tani oo] dalka u keeneysa xasilooni darro, [waxay u gun-gaarayaan] dano-gaaban oo ku aadan doorashooyinka 2020-21," ayaa tiri madaxtooyadda Puntland.

Sidda ku xusan qoraalka, Puntland ayaa ugu baaqeysa madaxda dowlada federaalka in ay "si degdeg ah ku joojiyaan farogelinta doorashooyinka Jubbaland iyo Galmudug".

Ugu dambeyntii, warka ayaa lagu sheegay in Puntland ay bogaadineyso dadaalada ay bulshada maamuladaasi uga tashanayaa aayahooda kuna dooranayaan madaxdooda.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM