Puntland oo eedeyn la xiriirta Coronavirus u jeedisay DF Soomaaliya

Image

GAROWE, Puntland – Jaamac Faarax Xasan, wasiirka caafimaadka Puntland, ayaa ku eedeeyay Dowlada federaalka Soomaaliya in ay ka gaabisay baahinta dedaalada looga hortagayo caabuqa Coronavirus.

Isagoo saxaafada ugu waramay Garowe, Wasaarada Caafimaadka xukuumada dhexe ayuu xusay in aysan kasoo jawaabin fariin ay u gudbiyeen oo ku saabsan "in si Soomaaliyeysan loola dagaalamo".

Shirwayne heer qaran ayuu soo jeediyey in laga yeesho xaalada xanuunka dilaaga ah isla markaana si degdeg ah u faafi og.

"Waxaynu ugu baaqeynaa in arrintaan kor-loo-qaado. Kulan degdeg ah oo heer wasiiro ahna ay ka yeeshaan Dowlada federaalka ah iyo maamul goboleedyada," ayuu raaciyey.

Puntland ahaan ayuu caddeeyay in ay diyaar u yihiin in ay shirka ku martigeliyaan magaala madaxda Garowe.

Dhanka kale, wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in si isku-tashi ah ay ugu diyaar-garoobeen ka hortagista cudurka Coronavirus.

Xarumo loogu talagalay in lagu karan-tiilo dadka laga helo ama looga shakiyo xanuunka muddo 14 maalmood ah ayuu tibaaxay in ay ku diyaariyeen baro ay u asteeyeen in dadka looga hubiyo caabuqa.

Coronavirus oo kasoo bilowday magaalada Wuhan ee Shiinaha halkaasoo uu ku dilay boqolaal ruux ayaa si rasmi ah u soo cagadhigtay bariga Afrika markii laga xaqiijiyey wadamada Kenya iyo Itoobiya.

Iyaddoo tani ay xoojisay waalaca dadka Soomaaliyeed, dowlada ayaa waxay caalamka waydiisatay aduun lacageed dhan 4.5 milyan oo Doolar si ay wax kaga qabato xaaladaha ku xeeraan khatartaan caalamiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM