Puntland oo fahfaahisay shirka maamulada ee Garowe

Image
Dowladda Puntland ayaa sidoo kale waxay difaacdey mowqifka dowlad goboleedyada ee xaalada dalka.

GAROWE, Puntland - Afhayeen Madaxweynaha Puntland, Jaamac Depraani, ayaa difaacey qoraalkii ka soo baxey madaxda maamulada Soomaalida. ee ku saabsanaa xaaladaha ka taagan dalka.

Qoralkaan ayaa ka duwan mid ay horey maamulada Puntland iyo Jubaland ku taageereen mowqifka Rooble ee ku aadan khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya madaxda Villa Somalia ku sugan.

Warsaxafadeedkii ugu dambeeyey ee madaxda maamulada ayaa waxaa lagu sheegey in kulan uu ka maqan yahay RW Rooble ay isugu imaan doonaan Garowe 21-23 September.

Sida laga soo xigtay illo wareedyo loo qaateen ah, is-aragaas ayaa waxaa lagu waddaa in diiradda lagu saaro qabsoomida doorashooyinka iyo sidii looga gudbi lahaa hubanti la'aanta.

"War-murtiyeedka Dowladda Puntland ay wax kasoo saartay caawa, kama turjumayo sida dad badan oo adeegsanaya baraha Bulshada ay u marin habaabinayaan," ayuu yiri Dabraani.

Wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: "Hoggaaminta Doorashada iyo amniga dalka waxaa leh Ra’iisal Wasaaraha XFS, sida ku cad  Dastuurka iyo heshiisyadii siyaasadeed ee hore loo gaaray".

"Shirka 21-23 September 2021, loogu ballansanyahay Garoowe wuxuu gogol xaar u yahay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu dardargelinayo dhameystirka Doorashada," ayuu kusoo xiray.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoraal uu horey u soo saarey ku baabi’iyey awoodihii ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble wallow uu diidey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM