Puntland oo fahfaahisay shuruudaha ay soo rogtay

Image

GAROWE, Puntland – Dowladda Puntland ayaa fahfaahin dheeraad ah waxay ka bixisay shuruudaha cusub ee ay soo rogtay kahor wadahadaladda doorashooyinka ayna sheegtay in marka la fuliyo ay dhaqan-gelineyso heshiiska 17-kii September dhexmaray hogaanka dowlada federaalka iyo maamuladda dalka.

Wasiirka warfaafinta Puntland, Cabdullaahi Cali Xirsi [Timacade] oo u waramay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da, ayaa tibaaxay in maamulkiisa uu mar walba diyaar u yahay ka qeybgalka shir looga arrin-sanayo in waddanka uu si nabad ah uga baxo mar-xalada kala guurka ee uu haatan wajahayo.

Mr Tima-cadde ayaa hoosta ka xariiqay in muhiim ay tahay in la xaqiijiyo in ay fulayaan natiijadda shirka si taas u dhacdana ay laga maarmaan tahay in Beesha Caalamka ay damaanad-qaad buuxa ka sameyso qaddiyadaas.

Isaga oo ka jawaabayey sababta ay Puntland u dooneyso in Beesha Caalamka door ku yeelato wadahadalada ayuu tibaaxay in madaxda dowladda federaalka ee waqtiga ka dhamaadey ay ku fashilmeen fulinta heshiisyadii hore.

"Hadii intii lee isku soo noqnoqto waxba socon maayaan. Beesha Caalamka waxaan u aragnaa in ay dhexdhexaad ka tahay arrimaha la isku hayo. Sidoo kale, hadii geedi-socodka socon lahaa, cidna masoo hadal-qaadeen Beesha Caalamka," ayuu carabka ku adkeeyay wasiirka warfaafinta dowlada Puntland.

Timacadde ayaa ku nuux-nuux-saday in ahmiyad gooniya ay leedahay in ciidamadda ay ka fogaadaan in ay ku milmaan siyaasadaha is-diidan.

Mar uu soo hadal-qaadey dalabka Puntland ee ku aadan in isbedel lagu sameeyo taliyeyaasha milatariga, booliska iyo agaasimaha hay’adda sirdoonka ayuu tibaaxay in haatan ay ka shaqeynayaan ololaha doorashada Farmaajo.

"Sababta aan loo aamini Karin ciidamadda waxay tahay waxaa loo adeegsaday shacabka iyo qaar kamid ah odayaashii dalka soo hogaamiyey. Waana sababtaas aan u codsaneynayno in isbedel lagu sameeyo taliyeyaasha ciidamadda qaranka," ayuu hadalkiisa kusoo gunaanuday wasiir Cabdullaahi Cali Xirsi.

Xalay ayay ahayd markii Puntland ay shaacisay sided shuruud kuwaas oo ka shanqarisay in muhiim tahay in wax laga qabto kahor wadahadalada, waxaana kamid ahaa in Farmaajo soo saaro wareegto uu ku caddeynayo in dowladiisa waqtiga ka dhacay hoosna ugu dhigo awooda fulinta iyo baarlamaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska iyo Shacabka Puntland oo dood adag ay dhexmartey

Kulanka ayaa ahaa mid is-xog-waraysi ah laguna xoojinayey wadashaqaynta iyo iskaashiga Amniga ee bulshada iyo booliska Puntland.

  • Puntland

    26-04-2024

  • 08:19AM

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM