Puntland oo gaartay guul kale oo dhanka dimuqraadiyada ah

Image
Ururada siyaasadda ayaa kasoo muuqdey dood uu daadihinayo guddiga doorashada ku meelgaarka ah.

GAROWE, Puntland - Puntland ayaa talaab kale oo dhanka dimuqraadiyada ah ku talaabsatay xilli ururada siyaasadda ay xalay ka qeybgaleen dood uu daadihinayo guddiga doorashooyinka ku meelgaarka ah.

Doodan aaa imaaneysa kahor bilowga coddeynta dowladaha hoose oo loo balansan yahay 25-ka bishan October. Garoonka Xalwo Kismaayo ee Qardho ayaa martigeliyey madashan ay dadweynuhu xaadireen.

Dhamaan Ururada siyaasada Puntland ayaa si wadajir ah uga soo muuqdey dooda ayaga oo dadweynaha u soo bandhigay barnaamijkooda siyaasadeed kahor doorashada dowladaha hoose ee horudhaca ah.

Sida qabanqaabiyeyaashu sheegeen, dooda ayaa waxay ku qabsoontey qaab aad u wanaagsan ayna wakiilada ka socdey ururadda ay mid-mid uga jawaabeen waydiimaha sida siman loo hordhigayo.

"Waxaa si wanaagsan usoo gabgabowday Dooda Ururadda Siyaasadda iyo Bulshada Degmada Qardho oo caawa Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ka daahfureen magaalada Qardho," ayuu guddigu yiri.

Qoraalka ayaa intaas waxaa al raaciyey: "Doodan waxaa sidoo kale laga qabandoonaa Degmooyinka Eyl iyo Ufayn oo ka mid saddexda degmo ee Doorashada horudhaca ah laga qabanayo 25-ka bisha".

Nidaamka xisbiyada badan ayay Puntland kaga gudbeysaa habka ku saleysan qabiilka oo tabashooyin badan abuuray wallow maamulku kusoo caana-maalay hase ahaatee waxaa la sheegay in la joogo xilligii lasoo afjari lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM