​Puntland oo gacanta ku dhigtay degmada Qandala

Image

 BOSASO, Puntland- Ciidamada Puntland, ayaa lagusoo waramayaa inay gudaha u galeen degmada Qandala ee gobolka Bari, kadib markii ay isaga baxeen mallayshiyaad sheegtay inay katirsanyihiin kooxda Daacish oo halkaas ku sugnaa muddo bil ah.

Holwgal xoog leh ayaa wararku sheegayaan in degmadaas ka socdaan iyadoo ciidamo ku kala sugan Badda iyo Barriga dagaalkaasi ka qayb qaadanayaan.

Weerarka oo shalay bilowday ayaa la sheegay inay ku dhinteen in kabadan 7 katirsan Daacish, halka sidoo kale ciidamada Puntland khasaaro kasoo gaaray.

Xalay ilaa saaka ciidamada ayaa ku howlanaa sidii loo bannayn lahaa waddooyin kooxdaasi ku xirtay dhagaxaan iyo Miinooyin.

Lama oga howlgalka maanta khasaaraha ka dhashay, balse xiriiro aan la samayn ciidamada jiida hore ku sugan, waxay noo sheegeen inu socdo qorshaha kooxdaasi looga sifaynayo degmada Qandala iyo nawaaxigeeda.

Nin sheegtay Taliyaha ciidanka badda ee Puntland, kornayl Cabdinaasir Caynab Cali oo loo yaqaan Xaayow, ayaa BBC u sheegay inay jiraan mallayshiyaad badan oo howlgal socda ku dhintay, wuxuuna intaas ku daray in kooxdaas oo aan awood badan lahayn ay u carareen dhinaca buuraha.

Wuxuu xusay inay ka go'antahay sidii loo soo afjari lahaa kooxdan mudada gacanta ku haysay degmada Qandala isagoo xusay inay yaqaanaan qaabka loo ciribtiro dadka maangaabka ah ee fikiradaha qaldan lagu shubay.

Xaayow, ayaa xusay in mallayshiyadan ay heshay taageero kaga imaanaysay asxaabtooda fikirkan la qabta, wuxuuna meesha ka saaray in kooxdan ku dagallamayso wax ka baxsan diin.

Degmada Qandala iyo deegaanada hoos yimaada ayaa muddo  9 maalmood ah, waxaa ka maqan is-gaarsiintii, waxaana jaray Daacish.

Wixii kasoo kordha howlgalkaas dib ayaan idiin kasoo gudbin doonaa

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM