​Puntland oo gacanta ku dhigtay gaari siday waxyaabaha Qarxa [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

GALKACYO, Puntland- Ciidamada amniga Puntland ayaa gacanta ku dhigay gaari noociisu yahay Waaraad oo lagasoo buuxiyay waxyaabaha qarxa kaasoo loo malaynayo inuu kayimid gobollada dhexe Somalia sida ay sheegeen saraakiil katirsan laamaha nabad galyada maamulkaasi.

Gaarigan oo gacanta lagu dhigay galinkii dambe shalay ayaa waxaa lagasoo buuxiyay, Biro, agabka Millatariga iyo waxyaabaha kale ee Qarax loo adeegsado.

Ciidanka ayaa baabuurkan gacanta ku dhigay xilli uu marayay deegaanka Bayra ee gobolka Mudug.

Afar ruux oo la tuhunsanyahay inay katirsanyihiin ururka Al Shabaab ayaa saarnaa gaarigan oo isticmaalayay waddooyin raf ah.

Wax faaf-faahin ah kamasoo bixin dowladda Puntland iyo maamulka gobolka Mudug, balse sawirro la baahiyay ayaa muujinaya tirada ragga saarnaa gaariga iyo agabka saarnaa.

Lama oga goobta uu kayimid iyo halka bartilmaameedku ahaa, balse qabashadiisa ayaa timid xilli gobolkaas amnigiisu soo hagaagayay muddooyinkii dambe.

Mid kamid ah ciidamadii qabtay baabuurka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in loo dhaadhiciyay xabsiga dhexe ee degmada Galkacyo halkaasoo lagu samaynayo baaritaan dheeraad ah.

Kooxda Al Shabaab ayaa sannadkii hore dhowr jeer qaraxyo mas'uuliyiin katirsan dowladda lagu dilay ka gaysatay degmada Galkacyo ee gobolka Mudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM