Puntland oo ganaaxdey doonyo kalluumeysi sharci darro lagu qabtay

Image

GAROWE, Puntland – Dowladda Puntland ayaa ganaaxdey todoba [7] doonyo oo lagu soo qabtay kalluumeysi sharci darro ah, sidda uu ka dhawaajiyey Wasiirka Kalluumeysiga, Maxamed Faarax Cawaash.

Kalluumeysiga sharci daradda ah oo sidoo kale loo yaqaano jariifka [oo la macno ah xaalufinta kalluunka] ayaa ah dambi caalami ah, waxaana jira dalal iyo dowladda si gaar ah dabagal ugu sameeya.

Qalab casri ah oo lagu ogaado doonyaha ama maraakiibta jariifka sameyneysa ayaa jira, waxaana Puntland ay kamid tahay meelaha Soomaaliya ka tirsan ee aaladaas casriga ah ay yaaliin.

Hase ahaatee, caqabadda kaliya ee qalabkaas leeyahay ayaa waxay tahay in uusan soo bandhigi karin xaqiiqadda dhabta ah, balse uu muujinayo tanka [cadadka] kalluun uu markabka ama doonta saaran.

"Mudada lixda bilood ee aan [xafiiska] joogno lix doon oo kalluumeysi sharci darro ah sameynayey ayaan soo qabanay waa ganaaxnay; digniina waan siinay kuwa kale oo badan," ayuu u sheegay Puntland Tv.

Wasiirka ma uusan soo bandhigin dalalka laga leeyahay doonyahaas iyo sidoo kale cadadka lacagta ay garka u geliyeen.

Wasiirka ma uusan soo bandhigin dalalka laga leeyahay doonyahaas iyo sidoo kale cadadka lacagta ay garka u geliyeen.

Balse wuxuu ku daray: "Iskaashi badan ayaan wadnaa, waana sii wadi doonaa la dagaalanka kalluumeysiga sharci daradda ah".

Doonyaha kalluumeysiga sharciyada daradda ah sameeya oo isugu jira Waddani, gacansaar la leh shisheeye, iyo ajaaniib biyaha dalka kusoo xadgudubta, ayaa u iib-geeya qaar kamid ah dalalka deriska ah.

Si taasi meesha looga saaro, dowladda Puntland ayaa qorsheyneysa in ay dekad kalluumeysi ka hirgeliso magaaladda Eyl, waxaana masharuucaas la siiyey shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha oo fulin doonto.

Soomaaliya ayaa kamid ah meelaha ugu badan oo ay ka dhacaan kalluumeysiga sharci daradda ah, inkasta oo ay socdaan dedaalo abaabulan oo wax looga qabanayo ayna jiraan ciidamo xeebaha ku sugan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM