Puntland oo ganafka ku dhufatay warar laga faafiyey dekada Boosaaso

Image

GAROWE, Puntland – Dowlada Puntland ayaa warar aan sal iyo baar lahayn waxay ku tilmaamtay in ay muddo 30-casho ah xiran tahay dekada magaalada Boosaaso, xarunta gobolka Bari.

Wasiiradda Dekadaha, Ganacsiga iyo Kalluumeysiga oo warbaahinta kula hadlay Garowe ayaa Talaadada maanta ah meesha ka saarey "wararkaas been abuurka ah ee saxaafadu tabisay".

Mas'uuliyiinta ayaa sidoo kale ganafka ku dhuftay warbixinada tibaaxaya in la joojiyey doonyihii ganacsiga ee dekada Boosaaso.

Faarax Cawaashe, wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka Puntland, ayaa caddeeyay in kaliya xayiraadda lasoo rogay ay saameyneyso doonyaha ganacsiga ee ka yimaada dibadda.

"Ganacsigii waa furan yahay, dekadiina waa u furan tahay doonyaha ganacsiga gudaha, kuwa la mamnuucay waa doonyihii ganacsiga ee ka imaanayey dibadda," ayuu raaciyey wasiirku.

Kadib shir ay yeesheen wasiiradda 7-dii bishaan Maaj, 2020, Puntland ayaa si ku meel gaar ah u hakisay doonyaha ka yimaada dibadda, talaabadaas oo la xiriirta fayruska Corona.

Balse xayiraadaas ayaanan saameyn ku lahayn marsadda Boosaaso oo kamid ah kaabeyaasha dhaqaalaha ee ugu muhiimsan Puntland isla markaana ay kusoo xirtaan maraakiib badan.

Iyaddoo Soomaaliya laga xaqiijiyey hal kiis, doonyaha kalluumeysiga ee ku xirta dekadaha Puntland ayaa badi ka yimaada Iran oo kamid ah wadamada uu sidda daran u aafeeyay COVID-19.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM