Puntland oo go'aano kasoo saartey colaad beeleed

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Golaha wasiiradda dowladda Puntland oo Khamiista maanta ah ku kulmay magaalada caasimada ah ee Garowe ayaa baaq kasoo saarey Colaada deeganada Saax-maygaag iyo Sanjabshe.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan oo loo garan og-yahay Karaash ayaa guddoomiyay shirkan todobaadlaha ah ee golaha xukuumaddu yeelato Khamiis walba.

Guddiga oo heer wasiir ah isla markaana uu magacaabay Madaxweyne Ku-xigeenku ayaa isla maanta go’aamo soo saaray kuwaasoo ka kooban shan qodob kuna saabsan sidii loo qaboojin lahaa iska-hor-imaadyada.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland, Maxamed Axmed Kulan, ayaa saxaafadda u akhriyey go'aanadda oo ka kooban saddex qodob isla markaana kala ah;

- In dowladda ay tacsi u direyso dadkii ku nafwaayey shaqaaqooyinka isla markaana ay soo kabasho deg-deg ah u rajeyneyso dhamaan dadka ku dhaawacmay isku-dhacyadda

- In si deg-deg ah loo joojiyo colaadda isla markaana dhamaan dhinacyadda ku lugta ah ay fursad u siiyaan ciidamadda difaaca Puntland in ay kala dhex-galaan kalana durgaan.

- In ciidamadda dowlada Puntland ay si buuxda ula wareegaan gacan-ku-haynta degaanada lagu dagaalamay isla markaana ay xaqijiyaan nabad-gelyadda iyo kala dambeynta

- In odayaasha dhaqanka ay si buuxda uga galaan sidii loo qaboojin lahaa colaadda iyo sidii xal waara oo kama dambeys ah looga gaari lahaa colaadda si aysan dib ugu soo laaban

"Sidaas darteeda, waxaa la farayaa ciidamadda in ay si deg-deg ah waajibaadkooda u gutaan isla markaana ay xaqiijiyaan guud ahaan badqabka dadka shacabka ah," ayuu hadalkiisa kusoo gabagbaeeyay Mr Kulan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM

Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo la siiyay waddo nabadgelyo ah oo uga baxay Ceelbuh 

Dhanka kale, ciidamada Puntland ayaa ogaadey inay jiraan qorshayaal ay wasiirro iyo xildhibaanno ka socda Muqdisho.

  • Puntland

    07-07-2025

  • 06:36AM