Dowladda Puntland oo amar duldhigtay shirkadaha diyaaradaha

Image

GAROWE, Puntland - Dowladda Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah waxay go'aano horleh kasoo saartay xakameynta safmareenka dilaaga ah ee Coronavirus oo kiisas dhowr ah laga xaqiijiyey degaanada maamulka.

Guddiga ka hortagga iyo wacyi-gelinta Covid-19 oo go'aanada soo saarey ayaa ku dhawaaqay muddo bil ah oo "feejignaan dheeraad ah" si loo xakameeyo faafitaan horleh oo caabuqa sida fudud u faafa uu sameeyo.

"Waxaa muddo bil ah dib loo dhigay Imtixaanadda Dugsiyadda Sarre, Dhexe iyo Hoose si loo ilaaliyo bedqabka caafimaad ee ardeyda," ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay guddiga oo uu arkay Garowe Online.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeedka, waxaa gabi ahaanba la mamnuucay isu soo baxyadda bulshadda, kulamadda dadweynaha, iyo kulamadda caweyska/harsiga ee banaanada magaalooyinka ka dhaca.

Maamuleyaasha Masaajidada ayaa lagu wargeliyey in loo oogo salaada "si taxadar leh" isla markaana lasoo koobo khudbadaha Jimcaha loogana hadlo wacyi-gelinta halista cudurka Covid-19 ee sii kordheysa.

"Iyaddoo dhowaan la filayo in ay furmaan duulimaadyadda gudaha waxaa shirkadaha diyaaradaha la farayaa in ay dadka ku amraan adeegsiga af-xirka iyo ilaalinta nadaafadda," ayaa la raaciyey bayaanka.

Ugu dambeyntii, gaadiidleyda ayaa lagu booriyey in ay joojiyaan safarada "aan muhiimka ahayn"; ganacsatada waxaa lagu waaniyey yareynta isu imaatinka iyo shacabka oo loogu baaqay in ay hog-samaan talooyinka.

Hoos ka akhriso go'aanadda

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM