Puntland oo go'aano kasoo saartay Salaada Ciida iyo Dugsiyada Qur'aanka

Image

GAROWE, Puntland – Dowladda Puntland ayaa Arbacadda maanta ah waxay go'aano wadajir ah kasoo saartay tukashadda Salaadda Ciida iyo dib-u-furidda dugsiyadda Qur'aanka oo loo xiray Covid-19 awadiis.

Wasiirka Cadaaladda oo warbaahinta la hadlay, ayaa shaaciyey in xukuumaddu go'aanstay in dugsiyada dib loo furo kadib Ciidul Fidriga markii "daruuriyaad ay soo foodsaareen Macalimiinta".

Sidda laga soo xigtay Cawil Sheekh Xaamud, waxaa jira shuruudo loogu ogolaanayo macalimiinta in ay dib u shaqo bilaabaan ayna kamid tahay in wax ka badan 30 arday aysan wada geli karin hal qol.

"Tusaale ahaan macalinkii haystay 60 arday waa in uu laba waqti ka kala dhigaa ama qol kale uu kireystaa," ayuu ku daray hadalkiisa.

Talaabadan, sidda uu ka dhawaajiyey wasiirka, ayaa loo qaadayaa si loo dhaqan-geliyo habraaca kala fogaanshiyaha dadweynaha. Macalimiinta ayuu ku booriyey in ay fuliyaan kana war-qabaan is-dhexgalka ardayda.

"Waxaa sidoo kale, macalimiinta looga baahan yahay in ay haystaan waxyaabihii cudurkani looga gaashaamanayey sidda af-xirkii [facemasks] iyo gacma gashiga [gloves-ka]," ayuu raaciyey, isagoo sharaxaya.

Isagoo hadalkiisa sii wata, wasiirka ayaa tibaaxay in dowladdu go'aansatay in Salaadda Ciidda aan lagu tukan karin Masaajidada iyo barxadaha, dadkana looga baahan yahay in ay guriyahooda baaqi ku ahaadaan.

"[Arrintaan] waxay lamid tahay Taraawiixdii iyo Taajudkii siddii dadka guryahooda ugu tukadaan, arrintaasina waa amar xukuumadda kasoo baxay oo ay gaarsiineyno dhamaan shacabka Puntland," ayuu xusay.

Ugu dambeyntii, wasiirka caafimaadka, Jaamac Faarax Xasan , ayaa xoojiyey in kala fogaanshiyaha dadweynaha ay kamid yahay hababka ugu waaweyn ee looga hortagi karo cudurka, isagoo ku baaqay in la fuliyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM