Puntland oo u digtay shirkadaha daneeya shidaalka Soomaaliya

Image

GAROWE, Puntland - Dowladda Puntland ayaa maanta oo Talaado ah waxay go'aano kasoo saartay sharciga Batroolka oo uu todobaadkan qalinka ku duugay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xeerkaan oo ka gudbay labada aqal ee baarlamaana federaalka ayay mudaneyaasha Puntland ku metela Aqalka Sare sheegeen in lagu ansixiyey hanaan sharciga banaankiisa ah.

Sidda ku xusan qoraal uu arkay Garowe Online, iyaddoo ka duuleysa qodobada dastuurkiga ah ee xeerkaas uu baalmarsan yahay, Puntland waxay qaadatay go'aanadaan soo socda;

Goleyaasha sharci-dejinta federaalka ayaa horey u meelmariyey shuruuc aan laga talagelin maamulada ama gebi ahaanba kasoo horjeesteen iyagoo cuskanaya qodobo ku jira.

Hindise sharciyeedyadaas oo masiiri ah waxaa kamid ah; duulista rayidka, doorashooyinka, oo madaxweynuhu wali saxiixin, iyo batroolka.

Xubnaha Puntland ku metela Sanate-ka ayaanan ka qeybgelin fadhiyadda muhiimka ah ee looga doodayo shuruucda, waxaana ay ka gadoodsan yihiin arrintaan oo aan wali xal loo helin.

Madaxweyne Farmaajo, oo dhowr jeer lagu waaniyey in uusan saxiixin shuruucda dooda ka taagan tahay sidda midka batroolka iyo doorashooyinka, ayaa u muuqda mid aan dheg jalaq u siin.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa iclaamiyey shir wadatashi ah oo looga hadli doono mustaqbalka Puntland iyo kaalinteeda dowladnimadda Soomaaliya. Kulanku wuxuu 15-ka Maaj ka dhacayaa Garowe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM