Puntland oo u digtay shirkadaha daneeya shidaalka Soomaaliya

Image

GAROWE, Puntland - Dowladda Puntland ayaa maanta oo Talaado ah waxay go'aano kasoo saartay sharciga Batroolka oo uu todobaadkan qalinka ku duugay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xeerkaan oo ka gudbay labada aqal ee baarlamaana federaalka ayay mudaneyaasha Puntland ku metela Aqalka Sare sheegeen in lagu ansixiyey hanaan sharciga banaankiisa ah.

Sidda ku xusan qoraal uu arkay Garowe Online, iyaddoo ka duuleysa qodobada dastuurkiga ah ee xeerkaas uu baalmarsan yahay, Puntland waxay qaadatay go'aanadaan soo socda;

Goleyaasha sharci-dejinta federaalka ayaa horey u meelmariyey shuruuc aan laga talagelin maamulada ama gebi ahaanba kasoo horjeesteen iyagoo cuskanaya qodobo ku jira.

Hindise sharciyeedyadaas oo masiiri ah waxaa kamid ah; duulista rayidka, doorashooyinka, oo madaxweynuhu wali saxiixin, iyo batroolka.

Xubnaha Puntland ku metela Sanate-ka ayaanan ka qeybgelin fadhiyadda muhiimka ah ee looga doodayo shuruucda, waxaana ay ka gadoodsan yihiin arrintaan oo aan wali xal loo helin.

Madaxweyne Farmaajo, oo dhowr jeer lagu waaniyey in uusan saxiixin shuruucda dooda ka taagan tahay sidda midka batroolka iyo doorashooyinka, ayaa u muuqda mid aan dheg jalaq u siin.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa iclaamiyey shir wadatashi ah oo looga hadli doono mustaqbalka Puntland iyo kaalinteeda dowladnimadda Soomaaliya. Kulanku wuxuu 15-ka Maaj ka dhacayaa Garowe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM