Puntland oo gudoontay qalab loogu talagalay xakameynta Covid-19

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland – Diyaarad sidda shixnad caafimaad oo ka timid Imaaraadka Carabta ayaa ka degtay garoonka diyaaradaha caasimadda ganacsiga Puntland ee Boosaaso, maanta oo Arbaco ah.

Shixnada ayaa waxaa kamid ah qalab caafimaad oo kaalin weyn ka qaadanaya ka hortagga faafitaanka fayruska Corona.

Warar ayaa intaas ku daraya in agabka caafimaad ay kamid yihiin sheybaaro lagu ogaan karo xanuunkaas safmareenka ah.

Degaanada Puntland ayaa nan wali laga soo warin kiis la xiriira cudurkaas, balse waxaa jira dad la tuhmay oo laga waayey.

Xukuumadda ayaa qaadey talaabooyin dhowr ah oo ay kaga hortageyso caabuqa, waxaana kamid ah joojinta kulamada dadweynaha, shirarka dowladda iyo bandow habeenkii ah oo si weyn u dhaqan-galay.

Guddiga wacyi-gelinta iyo ka hortaga oo warbixin soo saarey shalay ayaa shaaca ka dhigay in ay wadaan qorsheyaal lagu mideynayo baaritaanka la xiriira caabuqa ee marsada weyn ee Boosaaso.

Si ku meel gaar ah ayaa loo joojiyey doonyaha ganacsiga ee ka yimaada dibadda, iyaddo xukuumadda ay ka dhawaajisay in ay waddo qorshe maalgeshi loogu raadinayo kalluumeysatada waddaniga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM