​Puntland oo hakisay doorashooyinka Aqalka hoose [Akhriso]

Image

GAROWE, Puntland- Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa maanta lagu hakiyay doorashooyinka dadban ee kasocday magaalada Garowe gaar ahaan Aqalka hoose.

Qoraalkan oo la sheegay inuu daba socdo mid kasoo baxay Madaxweyne Gaas 25 November, 2016 ayaa lagu wargaliyay in ilaa amar dambe Puntland joojisay doorashooyinkii socday.

Arrintan ayaa la sheegay inay la xiriirto kuraaska Aqalka hoose ee ka imaanaysa Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle oo ay ku muransanyihiin maamullada Puntland iyo Somaliland, taasoo qoraal dhawaan uu soo saaray Guddoomiyaha Barlamanka waqtigu ka dhammaaday Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ku qaybiyay kuraasta halkaas ka imaanaysa.

25 bishan, ayaa Madaxweyne Gaas arrintaas ka hadlay isagoo xusay inay tahay arrin aan u ollin Jawaari, balse xal ka gaari karaan madaxda Madasha oo kaliya.

Wuxuu ugu baaqay xubnahaas iyo beesha Caalamka in la joojiyo qoraalada xalka looga gaarayo arrimaha jira, isagoo xusay inay tahay tallaabadaas Jawaari mid lagu carqaladaynayo doorashada Aqalka hoose.

War-saxaafadeedka Camay, ayaa u muuqda mid ay isku raacsanyihiin Madaxweyne Gaas.

Majirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda Federaalka Somalia iyo Guddiga doorashooyinka dadban ee Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM