Puntland oo hirgelineysa hab casri ah oo dhanka xisaabaadka ah

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland – Wasaaradda Maaliyadda dowladda Puntland ayaa waxay maanta oo Arbaco ah ku dhawaaqday in ay dhaqan-gelineyso hab cusub oo casri ah oo dhanka xisaabaadka computerized ah.

Qorshahaan ayaa waxaa lagu wadaa in dhowaan laga fuliyo xarunta Dawladda Hoose ee degmadda Boosaaso, magaala madaxda gobolka Bari.

Mas'uuliyiin ka socda wasaaradda oo hirgelinaya hanaanka Financial Management Information System ayaa gaarey magaaladaas dekadda leh.

Xubnahaan oo la kulmay mas'uuliyiinta ugu sareysa ee degmada ayaa kala hadlay arrimo ku xeeran habkaan iyo faa'iidooyinka uu leeyahay.

"Madaxda Dawladda Hoose iyo madaxda Xafiiska PFM ayaa kawada hadlay sida ay madaxda degmada Boosaaso u adeegsan lahaayeen hanaankan loo yaqaan FMIS (Financial Management Information Systems), loogana guuri lahaa habkii gacanta shaqada laga qabanjiray," ayay tiri Wasaaradu.

Cabdi Salaam Bashiir, duqa degmada Boosaaso, oo sheegay in ay baahi weyn u qabeen adeegan, ayaa rajeeyay inuu isbedel ku keeni doono shaqadda.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeedka Wasaarada Maaliyada, shaqaalaha Dawladda Hoose ayaa qorshuhu yahay in dhowaan loo qabto tababar ku aadan adeegsiga Financial Management Information System.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM