Puntland oo hirgelisay sheybaarka lagu baaro fayruska Corona

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Dowladda Puntland ayaa maanta oo Sabti ah waxay ku guuleystay in ay si isku-tashi ah ku hirgelisay sheybaarka lagu ogaado fayruska safmarka ah ee Corona.

Tani ayaa meesha ka saareysa caqabad taagneyd oo ahayd in baaritaanka dalka dibadiisa loo qaado, taas oo waqti badan ay qaadan jirtay in lagu helo natiijadda kama dambeysta ah.

Xukuumadda iyo hay'addaha kala duwan ee maamulka ayaa kaalin weyn ka qaatay hirgelinta sheybaarka oo hoostagaya Wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland ee Soomaaliya.

Sidda ay sheegeen mas'uuliyiin, waxaa la qiyaasayaa in sheybaarka uu maalintii baari karo ku dhowaad 100 xaaladood, iyaddoo natiijadda ay kusoo baxeyso muddo 24-saac ah.

Illaa iyo haatan ma jirto, wax caqabad ah oo howlwadeenada sheybaarka haysata. Hadii ay soo kororto baahi loo qabo shaqaale, waxaa qorshuhu yahay in xubno kale la tababaro.

Intaas waxaa wehlisa, maanta waxaa la baarey sagaal qof, kuwaas oo la rajeynayo in natiijadooda ay ku dhawaaqdo Wasaaradda Caafimaadka saacadaha soo aadan.

Puntland ayaa horey u xaqiijisay hal kiis oo ah cudurka dilaaga ah. Dhowr qof oo baaritaan lagu sameeyay tan iyo markii uu soo if-baxay xanuunka ayaa si lamid ah laga waayey.

Sidda ay ka dhawaajisay Wasaaradda Caafimaadka Puntland, waxaa xarumaha karantiika ku jira 30 qof, kuwaas oo qorshuhu yahay in baaritaanka looga qaado sheybaarka haatan la helay.

MUUQAALKA SHEYBAARKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM