Puntland oo iska fogaysay Eedaynta Wasiirka Kalluumaysiga DFS [Akhriso]

Image

GAROWE, Puntland- Wasaaradda Kalluumaysiga Puntland, ayaa maanta ka hadashay Eedaynta uga timid wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga Dowladda Federaalka Somalia, kasoo sheegay in Puntland fashilisay shir looga hadlay saamiga Qaybsiga Kalluunka Tunada ee Bad-weynta Hindia.

Shir si wadajir ah u qabteen mas'uuliyiinta wasaaradda Kalluumaysiga Puntland, ayay ku sheegeen in gabi ahaanba aysan waxba ka jirin eedaynta uga timid Wasiirka Kalluumaysiga Somalia.

Waxay sidoo kale sheegeen inaysan Puntland Fashilin shirarkii ka dhacay Muqdishu iyo waddanka Seychelles ee guul kusoo dhammaadeen islamarkaana ahaayeen kuwo ay hagayeen Somalidu.

War-saxaafadeedka Puntland ayaa lagu sheegay in saami qaybsiga dakhliga Kalluunkaas wasiirka Kalluumaysiga Somalia soo jeediyay sidaa; “Wasiirku wuxuu si kalinimo ah  oo aan wada tashi lahayn u go’aamiyay saami qaybsi aan ku dhisnayn xog sugan iyo waaqaca dalka, isagoo u kala qaybshay dakhliga soo xaroon doono uuna ka dhigay in 30% saamiga ay qaadato dowladda federaalka, 70% uu noqday saamiga dowlad goboleedyada oo isku duuban (Dowladda Goboleedka kasta helo 14%).”

Puntland, ayaa tilmaamay iyadoo arrintaas ka duulaysa inay soo jeediyeen dhowr tallaabo oo lagu helo karo caddaalad si looga baaqsado tafaraaruq.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM