Puntland oo iska-fogeysay bayaan “si sharci daro” loogu adeegsadey magaceeda

Image
War-saxaafadeedkan ayaa waxa uu kasoo baxay shir ay isugu yimaadeen Wasiirada Maaliyadda Federaalka iyo Maamulada.

GAROWE, Puntland - Wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa sheegey, in si aan sharci aheyn loo isticmaaley astaanta Puntland iyo magaca Wasiirka oo lagu daray heshiisyo aanay Puntland qayb ka ahayn.

Wasiirka ayaa yiri: “Iyadoo aanu jirin oggolaanshahayaga, astaanta Puntland iyo Magaca Wasiirka Maaliyadda oo lagu qoray saxeexyada, Puntland kama qayb gelin kulankan iyo kuwo kale oo dhawaan la qabtay, sidoo kalena kuma raacsanin natiijooyinka ka soo baxay.”

Bayaankan ayaa yimid xilli uu xiriirka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Puntland uu marayo meel xasaasi ah.

Khilaafka jira ayaa sababay in Puntland xanibaad laga saaro inta badan mashaariicda beesha caalamka ee loogu talagalay horumarinta bulshada iyo dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale dadaal ugu jirta sidii ay meesha uga saari lahayd Heshiiska muranka dhaliyay ee dhex maray gobolka iskeed ugu dhawaaqay madaxbannaanida ee Somaliland iyo Itoobiya, taas oo sii adkeyneysa xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo sidii la isugu hayn lahaa midnimadiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM