Puntland oo iska-fogeysay bayaan “si sharci daro” loogu adeegsadey magaceeda

Image
War-saxaafadeedkan ayaa waxa uu kasoo baxay shir ay isugu yimaadeen Wasiirada Maaliyadda Federaalka iyo Maamulada.

GAROWE, Puntland - Wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa sheegey, in si aan sharci aheyn loo isticmaaley astaanta Puntland iyo magaca Wasiirka oo lagu daray heshiisyo aanay Puntland qayb ka ahayn.

Wasiirka ayaa yiri: “Iyadoo aanu jirin oggolaanshahayaga, astaanta Puntland iyo Magaca Wasiirka Maaliyadda oo lagu qoray saxeexyada, Puntland kama qayb gelin kulankan iyo kuwo kale oo dhawaan la qabtay, sidoo kalena kuma raacsanin natiijooyinka ka soo baxay.”

Bayaankan ayaa yimid xilli uu xiriirka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Puntland uu marayo meel xasaasi ah.

Khilaafka jira ayaa sababay in Puntland xanibaad laga saaro inta badan mashaariicda beesha caalamka ee loogu talagalay horumarinta bulshada iyo dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale dadaal ugu jirta sidii ay meesha uga saari lahayd Heshiiska muranka dhaliyay ee dhex maray gobolka iskeed ugu dhawaaqay madaxbannaanida ee Somaliland iyo Itoobiya, taas oo sii adkeyneysa xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo sidii la isugu hayn lahaa midnimadiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Ingiriiska oo kawada hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya.

  • Puntland

    04-05-2024

  • 11:43AM

Dhimasho ka dhalatay dagaal ka dhex-dhacay xabsiga dhexe ee Gaalkacyo

Dowladda iyo maamulka Gobalka mudug ayaan wali ka hadlin waxa ka dhacay jeelka.

  • Puntland

    02-05-2024

  • 11:22AM