Puntland oo iska fogeysay in ay ku lug leedahay colaada Guriceel

Image
Guddoomiye Cabdiladiif ayaa daaha ka rogay in aysan gabaad siinin kooxda Ahlu Sunna.

GAALKACYO, Puntland - Dowladda Puntland ayaa gaashaanka ku dhufatay wararka la xiriira in ay "saameyn dhaqaale ama dacmin ah ku leedahay colaadda magaalada Guriceel ee maamulka Galmudug".

Cabdiladiif Muuse Nuur, guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, ayaa shir jaraa'id oo uu ku qabtey xafiiskiisa wuxuu ku sheegay in warbixinadaas ay yihiin "propaganda lasoo marsiiyey illo kale".

"Waxba kama jiraan wararka been abuurka ah ee sheegaya in Dowladda Puntland saamayn ku leedahay Dagaalkii Magaalada Guriceel taageera siinaysana Ahlusuna, waa hadal ka fog xaqiiqda," ayuu yiri.

Sida laga soo xigtay Cabdiladiif, dowladda Puntland "iska daa in ay raali ka tahay in uu qof ku dhinto degaanka Galmudug waxa aysan marnaba raali ka ahayn in qof ay qodax ku mudo aaggaas".

"Waxaan caddeynaynaa in anaga iyo Galmudug aan leenahay hal cadow oo ay tahay in aan si wadajir ah ula dagaalanno waana cadowga argagixisadda," ayuu hadalkiisa kusii daray.

Guddoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay in Puntland ay diyaar u tahay in ay ku garab-siiso Galmudug sidii ay u sugi lahayd ammaankeeda "si aan qeyb uga noqono dedaalada dib-u-dhiska Soomaaliya".

Dhawaqa guddoomiye Cabdiladiif ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii lasoo dhaafay ay baraha bulshadda hareeyeen sheegashooyin la imaanayay shaqsiyaad kuwaasoo la xiriirinayey colaadda Guriceel.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM