Puntland oo joojisay dhismeyaasha iyo deegaameynta dhul-daaqsimeedka

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo wareegto soo saarey ayaa wuxuu joojiyey dhismeyaasha iyo deegaameynta dhul-daaqsimeedka deegaanada dowladda Puntland ee Soomaaliyeed.

Amarkan madaxweyne oo ku socday wasaarado ay kamid tahay tan Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta ayaa lagu faafiyey barta Madaxtooyada ee Facebook-ga.

"Dowladda Puntland waxay soo saari doontaa habraac iyo shuruuc gaar ah oo loo marayo deegaameynta cusub ee deegaanada Puntland," ayaa lagu yiri digreetada uu arkay Garowe Online.

Hoos ka akhriso bayaanka

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray wareegto Lr. 03 kuna saabsan Joojin Dhismeyaasha iyo Deegaameynta Dhul-daaqsimeedka Deegaanada Puntland

Ku: ​Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta.
Ku: ​Wasaradda Deegaanka, Beeraha iyo Is-bedelka Cimilada
Ku: ​Wasaradda Amniga iyo DDR
Ku: ​Taliyaha Ciidanka Daraawiishta
Ku: ​Taliyaha Ciidanka Booliska

Ujeeddo: Joojin Dhismeyaasha iyo Deegaameynta Dhul-daaqsimeedka Deegaanada Puntland

Waxaa Dhammaan Wasaradaha iyo Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Daraawiishta ee wareegtadani sida tooska ah ugu socoto la farayaa laga billaabo maanta oo ay Taariikhdu tahay 05/07/2020 in la joojiyay dhismeyaasha iyo deegaameynta Dhul-daaqsimeedka Deegaanada Puntland.

Dowladda Puntland waxay soo saari doontaa habraac iyo shuruuc gaar ah oo loo marayo deegaameynta cusub ee deegaanada Puntland.

Wareegtadan ayaa dhaqangelaysa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.


Puntland ayaa kamid ah meelaha Soomaaliya ee leh dhul-daaqsimeedka, waxaana ay kamid tahay ilaha waxsooraarka waddanka ee muddooyinkii dambe ay bilaabatay in loo iib-geeyo suuqyadda caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM